Mid kamid ah aflaamta jaceylka ee Bollywoodka kuwooda ugu wanaagsan ayaa 27 Nov la daawaday filimkaasna filim kale ma aha waa filimka aan wada jecelnahay ee Kal Ho Na Ho.

Kal Ho Na Ho waa film Classic ah oo ay hogaamiyaal ka ahaayen SRK, Saif Ali Khan iyo Preity Zinta waxaana maalgaliye ka ahaa Karan Johar halka uu Director ka ahaa Nikkhil Advani.

Hadaba waxaa jirto arin aadan ogeyn malaha taaso ah in Director ku xigeen ama Director caawiye uu filimkaan ka ahaa wiilka dhalinta yar ee maanta atooraha ah Arjun Kapoor waana arin dadka badankooda aysan ka war qabin in Filimkaan Arjun Director caawiye ka ahaa.

Nikkhil Advani ayaa bartiisa Twitterka maanta soo dhigay qoraalkaan maadama filimkaan maanta u dabaaldagaayo 16 sano oo uu jirsaday,”16 sano oo KHNH jirsaday, waxaan u mahadnaqayaa dadkii aan kasoo wada shaqeynay filimkaan sida Karan Johar iyo shirkadiisa Dharma.”

“Waxaan kaloo u mahad naqayaa hogaamiyaasha filimkaan SRK, Preity Zinta iyo Saif Ali Khan oo juhdi badan galiyeen filimkaan iyo dhamaan kooxdii filimkaan ka howl gashay oodhan.”

dhanka kale Arjun Kapoor ayaa dhankiisa qoraal soo dhigay baraha bulshada isagoo cadeynaya inuu filimkaan kasoo shaqeyay wuxuuna yiri,” Waa filim taariikh ah waxaana maanta soo xasuustay 16 sano kahor shaqadii quruxda badneed een ka qabtay filimkaan maadama aan Director caawiye ka ahaa waa filim CLassic ah waligeedna lagu faani doono.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here