kaliya maahan in aflaamta ay sameeyaan shirkada Bollywoodka sidoo kale dalka india waxaa ka jira dhawr shirkadood kuwaaso sameeyaan aflaamta haddana si weyn loo xiiseeyo

waxaa jira aktaro koonfurta ah kuwaaso fanka ka sameeyeen magac iyo maqaam sida Chiranjeevi , Nagarjuna iyo kuwa kale oo badan

haddaba maanta waxaan ku hayaa 5 aktaro kuwaaso ka dib magac ku sameeyeen filim jilista isku badalayn filim soo saarayaal

  1. Akkineni Nagarjuna

halyeeygan waxa uu fanka ku guda jiraa muddo badan isagoo xitaa hadda filim jilista la qaybsanaya caruurtiisa Chaitanya iyo Akhil aktarkan waxa uu sanadkii 1975 uu sameestay shirkad isaga u gaar ah taaso soo saarta aflaamta waxaana lagu magacaabo Anarpuna Studio

iyadoo shirkadan ay soo saartay dhawr filimo kuwaaso u badan filimo qoyseed iyo kuwa madadaalo leh iyadoo aflaamtii ugu dambeesay ee shirkadan maal-geliso waxa uu ahaa Randoi Veduka Chudham iyo Hello waxaana labada kala hogaaminaayeen labadiisa wiil ee kala ah Chaitanya iyo Akhil

2. Ram Charan

mega star Ram Charan waxa uu filim jilista kusoo biiray sanadkii 2007 isagoo kusoo caan baxday filimka lagu magacaabo Chirutha laakiin waxa uu xidig weyn ku noqday filimka Ssrajamouli ee Magadheera sanadkii 2009

isagoo aktarkan furtay shirkad aflaamta maal-geliso kaaso lagu magacaabo Konidela Production Company waxaana filimkii ugu horeeyay ee shirkadan maal-geliso waxa uu ahaa filimka Khaidi No. 150 kaaso hogaamiye ka ahaa Ram Charan aabihiisa Chiranjeevi

3. Pawan Kalyan

aktarkan dhawaan u go’ay dhanka iyo siyaasada waxa uu waayihiisa jilaanimo kasoo bilaabay sanadkii 1997 isagoo kusoo caan baxday filimka Akkada Ammayi Ikkada Abbayi ka dib filimkaas aktarkan waxa uu saamayn weyn ku dhex yeeshtay fanka Tollywoodka isagoo sameeyay aflaamo badan

sida Gokulamlo Seeta (1997) , Suswagathum (1998) , Thammudu (1999) , Badri (2000), Khushi (2001) aktarkan waxa uu aas-aastay shirkada lagu magacaabo Pawan Kalyan Creative waxaana filimkan ay maal-gelisay filimka lagu Sardaar Gabbar Singh sanadkii 2016

4. Nithiin

aktarkan dadaal badan waxa uu waayihiisa jilaanimo kasoo bilaabay filimkii Jayam kaaso la daawaday 2002 aktarkan waxa uu si dhakshi leh ku noqday mid lasoo dhaweeyo isagoo sanadkii 2013 uu samaystay shirkad lagu magacaabo creating shresht movies

waxaana aktarkan shirkadiisa maal-gelisay filimkii ugu horeeyay ee Akhil lagu soo caan bixinaayay kaaso lagu magacaabo Akhil sidoo shirkadan waxa ay maal-gelisay aflaamo sida Gunde Jaari iyo Chinadana Nee Kosam

5. Mahesh Babu

ninkan ka hadal uma baahna ka dib markii uu muujiyay tayadiisa aktarnimo waxa uu Mahesh Babu isku badalay inuu noqdo filim soo saare isagoo sameestay shirkad lagu magacaabo Mahesh Babu Corporation waxaana shirkadan soo galay macaash waali ah

maadamaa ay soo saare ka ahayd aflaamtiisa Srimanthudu iyo Brahmotsavam kuwaaso blockbuster noqdayn sidoo kale Aktarkan waxa u qorsheesan inuu mustaqbal ka soo saaro aflaamo kale oo waa weyn

6. Nani

nani waa mid ka mid ah aktarada ugu jiliinka iyo awoodda badan koonfurta 35 jirkan ayaa sanadkii 2017 waxa uu samaystay shirkada aflaamta maal-gelisa kaaso lagu magacaabo Wall Poster Cinema

iyado shirkadiisa filimkii ugu horeeyay ay qarash-gareeso u ahaa filimka lagu magacaao Awe waxaana filimkan jilayaal ka ahaayeen Kajal Aggarwal, Nithya Menen, Regina Cassandra, Eesha Rebba iyo Srinivas Avasarala,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here