Marka hore gabar walba oo adduunkaan guudkiisa kuso noolaatay kuna noolaan doonto waxay jeceshahay ninka iyada guursanaayo inuusan gabar kale la guursanin sido kalena dhalinyaro ahaado ninkaas horeyna uusan guur usoo marin balse calaf ayaa jiro.

Gabadha si kaste ay riyo u leedahay sikaste ay u qurux badan tahay ninka calafkeeda ah unbaa guursanaayo ama ha foolxumaado ninkaas ama xaasle ha ahaado ama guur hore ha usoo maro bal hoos kaga bogo 18 atiriisho oo xaas labaad u noqdeen niman horey usoo guursadeen Qeybtii 2-aad.

6-Karisma Kapoor: Kadib markuu bur buray faraanti galiskii Karisma & Abhishek xidigtaan waxay guursatay ganacsade Sanjay Kapur sanadii 2003 balse ninkaan 2002 ayee gabar kala tageen ugu dambeyn Karisma iyo Sanjay 2016 ayee kala tageen 2 caruur ahna wey udhashay.

Sanjay Kapur first wife Nandita Mehtani and Karisma Kapoor

7-Kalki Koechlin: Filimsameye Anurag Kashyap waxuu jeclaaday Kalki isagoo xaasle ah 2009 ayuuna xaaskiisa hore u furay iyafa darteed kadibna 2 sano ayuu shukaansanaayey atiriishadan ugu dambeyna 2011 ayee is guursadeen balse 2015-tiina wey kala tageen.

Anurag Kashyap first wife Aarti Bajaj and Kalki Koechlin

8-Sridevi: Boney Kapoor isagoo xaasle ahaa Arjun Kapoor iyo Anshula Kapoor-na u joogaan ayuu xiriir la lahaa Sridevi ilaa sanadkii 1996 ay uur ka qaaday Sridevi kadibna waxay kala tageen xaaskiisa hore waxuuna guursaday Sridevi oo uurleh ama Janhvi Kapoor oo caloosha kujirta.

Boney Kapoor, Mona Kapoor and Sridevi

9-Hema Malini: Dharmendra waxaa u joogeen 4 caruur ah xaaslana wuu ahaa markuu xiriir la lahaa Hema Malini ugu dambeyn xaaskiisa iyo wiilashiisa wey isku dhaceen xiriirka Hema aawged weyna kala tageen xaaskiisa Sunny iyo Bobby-na hooyadood ayee raaceen dhag jalaq uma uusan siinin 1979 ayuu guursaday Hema Malini oo udhashay 2 gabdhood Esha Deol iyo Ahana Deol la kala dhaho.

Dharmendra with Prakash Kaur and Hema Malini

10-Shabana Azmi: Atiriishadan waxay jeclaatay Javed Akhtar oo xaasle ahaa caruurna u joogaan waliba Javed xaaskiisa wey isku dhici jireen markee xiriirkooda ogaatay markee kari weysay ayee guriga ka burisay guri gooni ah ayuu kula noolaa Shabana Azmi mudo 6 sano ah markii dambena xaaskisa ayaa furiin dalbatay markuu furayna Shabana Azmi ayee isku guursadeen qaab nikaaxa muslimka ah.

Javed Akhtar with Shabana Azmi and first wife Honey Irani

Lasoco Qeybta 3-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here