Marka hore gabar walba oo adduunkaan guudkiisa kuso noolaatay kuna noolaan doonto waxay jeceshahay ninka iyada guursanaayo inuusan gabar kale la guursanin sido kalena dhalinyaro ahaado ninkaas horeyna uusan guur usoo marin balse calaf ayaa jiro.

Gabadha si kaste ay riyo u leedahay sikaste ay u qurux badan tahay ninka calafkeeda ah unbaa guursanaayo ama ha foolxumaado ninkaas ama xaasle ha ahaado ama guur hore ha usoo maro bal hoos kaga bogo 18 atiriisho oo xaas labaad u noqdeen niman horey usoo guursadeen Qeybtii 3-aad.

11-Kiran Rao: Aamir Khan wuxuu jaceyl u qaaday Kiran Rao oo kala shaqeyneysay Filimka Lagaan isagoo ilaaway xaaskiisa iyo caruurtiisa kadib xaaskiisa Reena Dutta 2002 ayee kala tageen waxuuna Kiran guursaday 2005.

Aamir Khan, Reena Dutta and Kiran Rao

12-Sarika: Superstar Kamal Haasan waxuu nikaax la’aan gabadhiisa Shruti Haasan kaga dhalay atiriishada Sarika waliba xiligaas xaasle ayuu ahaa xaaskiisana Mareykanka ayee shaqo ugu maqned markee warkaas maqashayna furiin ayee dalbatay kadib markee kala tageen isaga iyo xaaskiisa Kamal sanadii 1988 ayuu si rasmi ah u guursaday Sarika oo u heysa Shruti Haasan.

Kamal Haasan with Sarika and Vani Ganapathi

13-Jaya Prada: Xidigtaan waxay jeclaatay qarash gareeye Srikanth Nahata oo Filimada qarash gareyn jiray isagoo xaasle ah 3 caruurna u joogaan ayuu guursadah Jaya Prada sidaas ayuuna ku noqday nin hinduu oo labo xaasle ah isagoo sharciga hindiga jabiyay ee ahaa ninka inuusan hal xaas ka badan guursan karin.

Jaya Prada

14-Kirron Kher: waxay guursatay halyee Anupam Kher sanadii 1985 balse shactiroolahan Kirron kahor ayuu xaasle ahaa reerkiisa ayaana gabar ku dareen 1979 mana ku qanacsaneen markuu bartay atiriishada Kirron Kher wuu jeclaaday guur ayeena ku heshiyeen wuuna guursaday isagoo xaaskiisa hore iska furay.

Anupam Kher And Kirron Kher

Lasoco Qeybta 4-aad Ahna Qeybta ugu Dambeyso….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here