Marka hore gabar walba oo adduunkaan guudkiisa kuso noolaatay kuna noolaan doonto waxay jeceshahay ninka iyada guursanaayo inuusan gabar kale la guursanin sido kalena dhalinyaro ahaado ninkaas horeyna uusan guur usoo marin balse calaf ayaa jiro.

Gabadha si kaste ay riyo u leedahay sikaste ay u qurux badan tahay ninka calafkeeda ah unbaa guursanaayo ama ha foolxumaado ninkaas ama xaasle ha ahaado ama guur hore ha usoo maro bal hoos kaga bogo 18 atiriisho oo xaas labaad u noqdeen niman horey usoo guursadeen Qeybtii 4-aad.

15-Juhi Chawla: atiriishadan waxay guursatay ganacsade Jay Mehta sanadkii 1995 balse ninkaan waxuu ahaan jiray xaasle sanadkii 1990 ayee xaaskiisa kowaad kaga geeriyootay shil diyaarad kadibna Juhi ayee isfahmeen sidaasn ku guursaday.

Juhi Chawla and Jay Mehta

16-Rani Mukerji: waxay guursatay ninka iska leh Yash Raj Filims ee Aditya Chopra kaaso horey usoo furay gabar lagu magacaabo Payal Khanna mudo u sano markee isqabeen kadib waliba waxaa la sheegay in Rani sabab u ahed kala tagooda arooska Rani 2014 ayuu dhacay weyna la nooshahah ninkaan.

Aditya Chopra, Rani Mukerji and Payal Chopra

17-Smita Patil: Raj Babbar oo si farxad leh isaga nool xaaskiisa Nadira waxuu bartay oo qalbiga ka xaday atiriishada Smita oo uu darteed xaaskiisa hore kaga soo tagay balse mudo dheer ma aysan sii wada noolaan maadama Smita geeriyootay waxuuna ku noqday xaaskisa hore Nadira.

Raj Babbar, Nadira Babbar and Smita Patil

18-Helen: boqoradii hore ee ciyaarta Dance-ga Bollywoodka Helenn waxay is jeclaaden qoraaga weyn ee Salim Khan kaaso ah Salman Khan aabihiis balse Salimn nin muslimnimo sheegto ah ma uusan furin xaaskiisa hore ee Salma waxuuna xaas labaad ka dhigtay Helen nolol farxad leh ayeena kuwada nool yihiin isaga xaasaskiisa iyo caruurtiisa arinkaasna wey soo dhaweyeen Salma iyo wiilasheeda sida Salman Khan, Arbaz Khan iyo Sohail Khan.

Dhamaad…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here