Marka hore gabar walba oo adduunkaan guudkiisa kuso noolaatay kuna noolaan doonto waxay jeceshahay ninka iyada guursanaayo inuusan gabar kale la guursanin sido kalena dhalinyaro ahaado ninkaas horeyna uusan guur usoo marin balse calaf ayaa jiro.

Gabadha si kaste ay riyo u leedahay sikaste ay u qurux badan tahay ninka calafkeeda ah unbaa guursanaayo ama ha foolxumaado ninkaas ama xaasle ha ahaado ama guur hore ha usoo maro bal hoos kaga bogo 18 atiriisho oo xaas labaad u noqdeen niman horey usoo guursadeen.

1-Kareena Kapoor:

Saif Ali Khan,Amrita Singh and Kareena Kapoor Khan

Waxay guursatay jilaaga caanka ah SaifAli Khan oo ay isku fahmeen duubista Filimka Tashan intuu socday (2008) 5 sano kudhowaad ayee xiriir lahaayen sheekana usocotoay ugu dambeyn 16 Oct 2012 ayuu arooskooda dhacay wiil ayaana u joogo hader.

Balse Saif waxuu ahaa nin horey usoo guursaday, isagoo 21 jir ah ayuu la aqal galay 33 jir Amrita Singh mudo 13 sano ayee wada noolaayeen 2 caruurna wey u dhashay kadibna wey kala tageen.

2-Neelam Kuthari:

Samir Soni, Rajlaxmi Khanvilkar and Neelam Kothari

Quruxleydii Neelam ee 90-maadkii atoorayaal badana damac galisay waxay guursatay atooraha Tv-yada caanka ka ah Samir Soni taariikhda marke ahed 24 Jan 2011 balse Samir waxuu horey u guursaday gabadha Model-ka ah ee Rajlaxmi mudo 6 bil ayee wads noolaayen dagaao ayaa ka dhex qarxay weyna is fureen.

3-Shilpa Shetty:

Raj Kundra, Kavita and Shilpa Shetty Kundra

Ganacsadaha caanka ah ee saldhigtay London Raj Kundra waxaa la sheegay inuu xaaskisa hore usoo furay Shilpa si uu u guursado balse isaga waxuu sheegay in 12 bilood kadib markee kala tageen xaaskiisa hore Kavita ay isbarteen Shilpa sidaasna ku guursaday sidaa aawged Shilpa waa gabadha labaad ee uu guursaday ganacsadahan.

4-Lara Dutt:

Mahesh Bhupathi, Shvetha Jaishankar and Lara Dutta

Quruxleydii bilawgii qarnigaan Lara Dutta sanadii 2011 ayee guursatay ciyaaryahanka Tenniska ciyaara ee Mahesh Bhupathi balse Lara kahor waxuu guursaday gabadha Model-ka ah Shvetha Jaishankar wey isku dhaceen weyna kala tageen waxayna gabdhaan Lara ku eedeysay inee gurigeeda dumisay in la furana iyada sabab u ahed.

5-Raveena Tandon:

Anil Thadani, Natasha Sippy and Raveena Tandon

Ninka cajaladaha Filimada Qeybiya Anil Thadani waxuu marka hore guursaday gabar uu dhalay Ramesh Sippy (Director-kii Sholay) oo lagu magacaabo Natasha Sippy mudo markee wada noolaayeen wey is fahmi waayeen noloshana wey isku firaaqeyeen kadib Anil 2004 ayuu bartay Raveena weyna is guursadeen isla sanadkaas.

Lasoco Qeybta 2-aad Iyo 18 Atiriisho Xaas Labaad Inee Noqdaan Raali Ku Noqdeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here