Superstar Akshay Kumar aragtidiisa dhanka suuq geynta filimka Housefull 4 siweyn ayay ugu hirgashay madaama isaga iyo dhamaan kooxda jilaayaasha taxanahan caanka ah tareen ka wada raaceen Mumbai waxayna kusii jeedeen Delhi ayagoo 18-saacadood ilaa 19-saacadood jidka kusii jireen si toos ah baraha bulshada muuqaalo kala duwan usoo dhigayeen waxayna ku boorinayeen dadka inay tareenka lasoo raacaan.

Kumar ayaa qosolka ka dhameeyay dadka tareenka saarnaa waayo kooxdiisa Housefull 4 sida Bobby Deol, Retiesh Deshmukh, Kriti Sanon, Kriti Kharbanda iyo Pooja Hedge wuxuu ku qasbtay inay shaah ku iibiyaan busteejada tareenka waxaana tartankaas ku guuleesteen Deshmukh iyo Chunkey Pandey.

Sidoo kale kooxda Housefull 4 waxaa u suura gashay inay hadal heynta mashruucooda siweyn sare ugu qaadaan madaama dadka tareenka lasoo raacayeen siweyn ula fal galeen weliba dadka qaar xujadii Akshay Kumar la yimid heeska Bala ee uu madaxa xiiran yahay ayay gudaha tareenka ku sameenayeen.

Akshay Kumar iyo kooxdiisa Housefull 4 marka ay Delhi gaareen waxay u mahad celiyeen taageerayaashii tareenka lasoo raaceen sidoo kalena Delhi xayeysiin ayay ka bilaabeen mana nasan doonaan kooxdan ayagoo magaalooyin kale usii gudbi doonaan madaama filimkan weyn Jimcada dambe 25 October tiyaatarada la saarayo waxay rabaan inay hadal heyntiisa halka ugu sareyso gaarsiiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here