Filim jaceyl kii ugu weynaa Bollywood sameeyaan, Filim iskoorka ugu weyn adduunka sameeyay, Filim dad adduunka Filimada daawadaan 3 meelood labo meel iyo bar wads jeclaadeen intaas oo qeexitaan ah waxaa isla helay mashruuca weyn ee Dilwale Dulhania Le Jaayenge.

DDLJ 1

Waa Filim taariikh lama ilaawan ah dhigay hadaba macluumaad u gaar ah mashruucan ayaan soo diyaarinay maadama 20 October 1995 la daawaday maantana 24 sano jirsaday.

Xaqiiqada -1-aad: Director Aditya Chopra dhib badan ayuu ka maray sameeynta muuqaalka SRK iyo Kajol sariirta wada saaran yihiin oo Kajol leedahay xalay maxaa dhacay SRK-na xabadkiisa shumis rooseeto kutaalo tusaayo marwalba oo SRK shaarka siibaayo si xabadkiisa loo arko Kajol afka iskuma qabato qosol aawgiis sido kale bishimaha rooseetada leh ee xabadka SRK waxaa ku sawirtya Kajol.

DDLJ 3

Xaqiiqada 2-aad: Karan Johar ayaa Filimkaan kujiro oo SRK saaxiibkiis ku jilaayo waxuu Karan ka helay bandhiga SRK iyo Kajol waxayna u ballan qaadeen Filimkiisa kowaad ee uu Director ka noqon doono inee u sameeyn doonan weyna u sameyeen waana Kuch Kuch Hota Hai ee la daawaday 1998.

Xaqiiqada 3-aad: Doorka Raj Malhotra ee SRK Filimka kujilay markii hore waxaa loo bandhigay Aamir Khan, Salman Khan, Ajay Devgn iyo Saif Ali Khan dhamaantoodna wey iska diideen iyagoo u arkeen inuj Filimka dhan yahay mid aan xiiso laheyn balse hubaal ahaan wey ka shalaayeen markuu DDLJ taariikhdii la ogaa dhigay.

Xaqiiqada 4-aad: Aamir Khan wuu carooday ama xanaaqay markii Shah Rukh Khan ku guuleystay abaal marinta Filimfare qeybta atooraha ugu wanaagsan markaas kadibna waligiis xaflad abaal marin ma tagin oo waxuu aaminsanaa in isaga abaal marintaas ku mudnaa in lagu siiyo Filimka Rangeela sido kalena Aamir DDLJ Filim ahaan aktiisa qiimo kama lahan laakiin waxaa sax ah xaqiiqna ah in SRK mudnaa biladaas DDLJ-na ilaa maanta yahay Filim jaceyl kii ugu wanaagsanaa waana la isku raacay midaas dadka inta badan.

DDLJ 2

Xaqiiqada 5-aad: Director Aditya Chopra markii hore wuxuu rabay Hollywood Superstar Tom Cruise iyo Kajol inee Filimkaan sameyaan oo sheeko jaceyl America iyo India ah uu ka dhigo laakiin Aabihiis Yash Chopra ayaa ka diiday una sheegay inuusan Filim u maal galineynin atoore dal kale kasoo jeedo.

Xaqiiqada 6-aad: Sanadkii 2014 ayuu tiyaatarada ka dagay DDLJ waa mucjiso lala yaabah mudo 19 sano ah (1000 Weeks) ayuu tiyaatarada qaar ee dalka India baaqi ku ahaa ama laga daawanaayey mudadaas dhan waana Filimka waqtiga ugu dheer tiyaatarada saarnaa taariikh ahaan adduunka oodhan marka iskoorkan loo fiiriyo.

Xaqiiqada 6-aad: Filimkaan dadka Filimada daawadaan badankooda wey jeclaadeen si qaas ah shaqsiyaadka caanka ah ayaa jecel mashruucan sida Leonardo DiCaprio, Tom Cruise, Amitabh Bachchan, Bollywoodka badankiisa, Hollywoodka badankooda tiro maleh shaqsiyaadka caanka ah ee jeclaadeen DDLJ mid walbana afkiisa ayuu ka sheegay.

Xaqiiqada 7-aad: Magaca “Dilwale Dulhania Le Jaayenge” waxaa keenta hooyada shaashada Kiran Kher oo ah xaaska Anupam Kher.

These pictures of Shah Rukh Khan and Kajol from the DDLJ days will make you go back in time

Xaqiiqada 8-aad: SRK dooqa dad weynaha hindiga ayuu Filimkaan ku bedelay waxuuna noqday Superstar Filimada jaceylka ah looga dambeeyo waxuu hada kahor yiri,”hadii Amitabh Bachchan daawadayaasha kula wareegay Deewaar ana DDLJ ayaan kula wareegay.”

Xaqiiqada 9-aad: Filimkaan abaal marino badan ayuu ku guulestay oo kala duwan Filimfare waxay ku bixisay abaal marinada kala ah atooraha ugu wanaagsan (SRK), atiriishada ugu wanaagsan (Kajol), atoore-caawiyaha ugu wanaagsan (Amrish Puri), atiriishada-caawisada ugu wanaagsan (Farida Jalal), Filimka ugu wanaagsan (DDLJ) iyo abaal marino kale.

#23YearsOfDDLJ: These pictures of Shah Rukh Khan and Kajol will take you back in time

Xaqiiqada 10-aad: Muuqaalka ugu dambeeyo ee SRK tareenka raacaayo Kajol-na kasoo daba ordeysa si gacanta SRK u qabsato waa muuqaalka ugu caansan Filim hindi ah lagu soo bandhigo Filimo badan ayaa muuqaalkan soo qaaten laguna bandhigay magacyada Raj & Simran waa magacyo caan ah oo aflaamta lagusoo qaato hada daafaha caalamka Raj & Simran markaa dhahdo SRK & Kajol waaye ayaa lagu leeyahay sida magacyadan ay ugu caan baxeen aawged.

Dhamaad…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here