Star Power-ka waa dhibco loo aruuriyo atooraha marka filmkiisa tiyaatarada la saaro iyadoo lagu qiimeeyo habka atooraha mashruucan u iibin karo sedexda maalmood ugu horeysay ee uu tiyaatarada saaran yahay.

qeybta atoorayaasha horey ayaan oga hadalnay haatana waa qeybta atiriishoyinka ayaan falanqeyn doonaa iyo tirada sanadaha ah atiriishooyinkii kaalinta 1-aad Star Power-ka kudhameesteen sanado xiriir ah.

Hema Malini ayaa ah atiriishada waqtiga ugu dheer Star Power laheed misane kaalinta 1-aad kudhameesatay sanado badan fadlan hoos kaga bogo Hema Malini iyo atiriishooyinka kusoo xigaan.

Hema Malini: 7 sano xiriir ah (1972-1978) xidigtaan 7 sano xiriir ah ayee kaalinta 1-aad Star Power-ka ku dhameeysatay balse sanadkii 1979 ayaa Rekha kala wareegtay booska 1-aad.

Rekha waqti dheer masii heynin jagadan oo Hema ayaa soo laba kacleen weyn sameeysay sanadkii 1981 ayee Hema booskeeda 1-aad dib ugu soo noqotay mudo 3 sano kale xiriir ah ayeena hadana kowaad kujirtay (1981-1983) taasii oo kadhigan wadarta guud mudo 10 sano ah inee kowaad soo gashay dhanka Star Power-ka balse aan xiriir ahen.

Nargis: 7 sano xiriir ah (1951-1957) xidigtan waa atiriishada 2-aad ee waqtiga ugu dheer hogaaminta Star Power-ka soo heysay waliba kaalinta kowad.

Sridevi: 6 sano xiriir ah (1984-1989) Sridevi waxay sanadkii 1984 awooda fanka hindiya kala wareegtay Hema Malini oo iska heesatay 10 sano iyo ka badan meesha Sri awood layaab leh ayee la timid mudo 6 sano xiriir ah.

Madhuri Dixit: 6 sano xiriir ah (1990-1995) khaladkii Sridevi ay gashay waxaa ka faaidesatay Madhuri maadama Sridevi fanka laga waayey 1990 ilaa 3 sano kalena wax film ah la imaanin waxaa dhacday in Madhuri meesha si awood ku dheehan kula wareegto 6 sano xiriir ahna kowaad kujirtay.

Vijanthimala: 4 sano xiriir ah (1961-1964) xidigtaan afar sano xiriir ah ayee kaalinta 1-aad Star Power-ka soo gashay balse 2 sano kale oo xiriir ah ayee hadana kaalinta soo gashay sanadahaas oo kala ah (11958 &1959) Madhubala ayaa 1960 soo kala dhexgashay sanadaha xidigtaan mooyee 7 sano xiriir ah ayee fanka hinidya hogaamin laheed.

Noorjehan iyo Karisma Kapoor: atiriishooyinkan waxay ka siman yihiin min 5 sano xiriir ah inee fanka hindiya soo maamulayeen oo ay Star Power-ka kaalinta kowaad ku jireen Noorjehan (1943-19 47) ayee kaalinta 1-aad kusoo jirtay halka Karisma (1996-2000) kaalinta 1-aad ku dhameesatay.

Aishwarya Rai, Kareena Kapoor iyo Deepika Padukone: atiriishooyinkan waxay ka siman yihiin min 4 sano hogaanka fanka hindiya inee soo qabteen mid walban kaalin 1—aad 4 sano kusoo dhameesatay.
Aishwarya waxay kaalinta 1-aad ku dhameesatay intii dhaxeysay (2001-2004) sido kale Kareena (2008-2011) ayee hogaanka soo heysay halka Deepika (2014-2017) ay soo maamushay fanka.

Suraiya, Mumtas iyo Rani Mukerji: atiriishooyinkan waxay ka siman yihiin min 3 sano hogaanka fanka hindiya inee soo qabteen mid walban kaalin 1—aad 3 sano kusoo dhameesatay.

Suraiya waxay kaalinta 1-aad ku dhameesatay intii dhaxeysay (1948-1950) sido kale Mumtas (1969-1971) ayee hogaanka soo heysay halka Rani (2005-2007) ay soo maamushay fanka.

Leela Chitnis, Sadhna, Asha Parekh, Rekha, Katrina Kaif Iyo Alia Bhatt: atiriishooyinkan waxay ka siman yihiin min 2 sano hogaanka fanka hindiya inee soo qabteen mid walban kaalin 1—aad 2 sano kusoo dhameesatay.

Leela waxay kaalinta 1-aad ku dhameesatay (1940 & 1941), Sadhna (1965 & 1966) ayee hogaanka soo heysay, Asha (1967 & 1968 ) ay soo maamushay fanka, Rekha iyadana waa (1979 & 1980) oo ay Hema kala wareegtay sido kale Katrina (2012 & 2013) ayee kaalinta 1-aad kujirtay halka Alia (2018 & 2019) ay hader hogaanka heyso waxaa macquul ah sanadka dhamaadkiisa in atiriisho kale noqoto balse hader Alia ayaa 1-aad kujirto.

Alia Bhatt 2018 hogaanka ayee qabatay balse 2019 lama hubo dhamaadka sanadka la ogaan doonaa xitaa ay hogaanka la wareegto sanadkan sanadaha xiga miyee ku darsan doontaa mise liiska atiriishooyinka 2 sano kaliya ku ek ayee gali doontaa..

Mumtas Shanti iyo Madhubala: atiriishooyinka min 1 sano kaliya ayee fanka kaalinta 1-aad kasoo qabteen Mumtas sanadkii (1942) ayee qabsatay halka Madhubala (1960) kaalinta 1-aad gashay.

Atiriishooyinka magacooda aan maqaalkan kuxusnay kaliya ayaa kaalinta 1-aad Star Power-ka soo galeen majirto atiriisho maqaalkan ka maqan oo kaalinta 1-aad Star Power soo gashay intii udhaxeysay 1940-2019 marka laga reebo sanadkaan 2019 oo aan la ogeyn atiriishada lagu dhawaaqi doono inee kaalinta 1-aad gashay.

Dhamaad..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here