Waxaan idiin la wadaagnay maqaal aan kaga hadleynay sanadkii filimka lacagaha ugu badan soo xareynaayey waxaana kasoo bilaawnay 1990 ilaa 2018 wadarta guud aflaamtaas waa 29 filim marka sanadkiiba hal filim ayee ka dhigantahay inuu noqonaayey filimka ugu daqliga badan.

Waan wada xusnay dhamaan aflaamtaas iyo xidigaha hogaaminayeen sido kale natiijadana waan ka dhawaajinay halka aan kusii darnay mashruucaas guud ahaan lacagaha uu cimri ahaanriisa keenay canshuurta kadib waliba gudaha India.

Hadaba maqaalkan waxaan kaga hadleynaa atiriishooyinka sameyeen 29-kaas filim sidee ugu kala badan yihin tiro ahaan ama si fudud waa kee atiriishada sameeyay tirada ugu badan ee filimka lacagaha ugu badan soo xareynaayey sanad walba.

Madhuri Dixit: 3 Filim (Beta, Hum Aapke Hain Koun & Devdas).

Kareena Kapoor: 3 Filim (3 Idiots, Bodyguard & Bhajrang Bhaijaan).

Katrina Kaif: 3 Filim ( Ek Tha Tiger, Dhoom 3 & Tiger Zinda Hai).

Kajol: 2 Filim ( DDLJ & Kuch Kuch Hota Hai).

Karisma Kapoor: 2 Filim (Raja Hindustani & Hum Saathi Saathi Hain).

Tabu: 2 Filim ( Border & Hum Saathi Saathi Hain).

Ameesha Patel: 2 Filim ( Kaho Na Pyaar Hai & Gadar).

Aishwarya Rai: 2 Filim ( Devdas & Dhoom 2).

Rani Mukerji: 2 Filim (Kuch Kuch Hota Hai & Veer-Zaara).

Preity Zinta: 2 Filim (Koi Mil Gaya & Veer-Zaara).

Anushka Sharma: 2 Filim ( PK iyo Sanju).

Menakshi Seshatri ( Ghayal), Asin ( Ghajini), Deepika Padukone ( Om Shanti Om), Sonakshi Sinha ( Dabangg).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here