Waxaan idiin la wadaagnay maqaal aan kaga hadleynay sanadkii filimka lacagaha ugu badan soo xareynaayey waxaana kasoo bilaawnay 1990 ilaa 2018 wadarta guud aflaamtaas waa 29 filim marka sanadkiiba hal filim ayee ka dhigantahay inuu noqonaayey filimka ugu daqliga badan.

Waan wada xusnay dhamaan aflaamtaas iyo xidigaha hogaaminayeen sido kale natiijadana waan ka dhawaajinay halka aan kusii darnay mashruucaas guud ahaan lacagaha uu cimri ahaanriisa keenay canshuurta kadib waliba gudaha India.

Hadaba maqaalkan waxaan kaga hadleynaa atoorayaasha sameyeen 29-kaas filim sidee ugu kala badan yihin tiro ahaan ama si fudud waa kee atooraha sameeyay tirada ugu badan ee filimka lacagaha ugu badan soo xareynaayey sanad walba.

Sida guud Salman Khan ayaa hogaaminaayo liiskan waana atooraha ugu badan ee sameeyay filimka lacagaha sanadka soo xareeyo 8 filim ayuuna ka heesta tiro ahaan fadlan hoos kaga bogo atoorayaasha kalena.

Salman Khan: 8 Filim (Hum Aapke Hain Kaun, Hum Saathi Saathi Hain, No Entry, Dabangg, Bodyguard, Ek Tha Tiger, Bajrang Bhaijaan & Tiger Zinda Hai).

Aamir Khan: 6 Filim (Raja Hindustani, Ghajini, 3 Idiots, Dhoom 3, PK & Dangal).

Shah Rukh Khan: 5 Filim (DDLJ, Kuch Kuch Hota Hai, Devdas, Veer-Zaara & Om Shanti Om).

Hrithil Roshan: 3 Filim (Kaho Na Pyaar Hai, Koi Mil Gaya & Dhoom 2).

Sunny Deol: 3 Filim (Ghayal, Border & Gadar: Ek Prem Katha).

Govinda: 2 Filim ( Hum & Aankhen).

Anil Kapoor: 2 Filim (Beta & No Entry).

Amitabh Bachchan: 1 Filim (Hum).

Ranbir Kapoor: 1 Filim (Sanju).

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here