Sara Ali Khan markay wey soo dhigatay ma ahan gabadhii Ranveer Singh aan fiirin karin filimkii Simmba ee ka cabsaneesay mana ahan gabadhii jaceylkeeda u sheegan weesay Sushant Singh Rajput filimkii Kedarnath ee markaan waxayba gadaal marisan wiilka gabdhaha u waabsanaayeen Kartik Aaryan madaama lala cajabay goos gooska filimka Love Aaj Kal laga soo bandhigay.

Love Aaj Kal waa fariin jaceyl oo ku xeen daaban labo waqti oo kala duwan balse jaceyl isku xariirinaayo marka hore fariinta filimkan waxay tahay in la joogo 1990 oo ay Sara tahay gabar xishood badan oo xitaa Kartik ku qabsaneyso sababta uu u fiirinaayo ama u daba socdo xiliga iskuulka balse 30-sano kadib ama 2020 waji kale ayayba Sara lasoo baxee markii ilbaxnimada ka badato waxayna Kartik ku qabsanee sababta uu sariir ula wadaagi waayay ama ula seexan waayay!

Director Imtiaz Ali oo ku caan baxay sameynta aflaanta fariimaha heerka sare leh horeyna u sameeyay filimada Socha Natha, Jab We Met, Love Aaj Kal, Rockstar, Tammasha ayaa markaan ku kalsoon in filimkiisa cusub Love Aaj Kal ee la daawanayo 14-ka Febraayo 2020 daawadayaasha ka heli doonaan gaar ahaan dhalinyarada.

Sidoo kale filimka Love Aaj Kal waxaa door muhiim ah ku leh gabadha fanka ku cusub Arushi Sharma iyo atooraha door walbo sameyn karo Randeep Hooda waxaana siweyn looga helay qaabka goos gooska filimkan loo dhigay iyo kul kuleelka xamaasada ku dheehan Sara shaashada la timid.

Sidoo kale Sara Ali Khan iyo Kartik Aaryan waxay goos gooska filimkan kusoo bandhigeen xiriirkooda xanta ah inuu wax ka jiro waa isku soo dhawaansho dheeraad ah iyo isku qanacsanaan aad u muuqato ayay shaashada kusoo bandhigeen.

Fadlan hoos ka daawo gooska filimka Love Aaj Kal waa hubaal inaad ka heli doontid saameynta Sara Ali Khan la timid filimkan daawashadiisa lagu beegay maalinta jaceylka aduunka:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here