Shabakada Box-office-ka India (BOI) ayaa maqaal kasoo saartay dagaal hada kahor Box-office-ka kudhexmaray atoorayaasha kala ah Shah Rukh Khan iyo Akshay Kumar waana sanadkii 1993 qeybihiisa hore hadaba maqaalka oo Filimside idiin so turjumay hoos kaga bogo:

Iskudhacii ugu horeeyay Shah Rukh Khan iyo Akshay Kumar Box-office kudhexmaro waxuu ahaa sanadii 1993 waxayna kala wateen Maya Memsab (SRK) iyo Waqti Hamara Hai oo Suniel Shetty dhinac ka hogaaminaayey xiligaasna Suniel waxuu ahaa Mini star ama atoore darajada xidignimo inuu gaaro qarka usaaran.

Xiligaaa iyada ah Shah Rukh khan iyo Akshay Kumar midna ma ahen xidig dhameestiran sababto ah SRK Filimkuu xidignimo dhameestiran ku helay waxuu ahaa Baazigar waxaana la daawaday dhowr bil kadib iskudhacan markuu dhacay isla sanadkaas halka Akki Filimkii Mohra uu xidig dhameestiran ku noqday kaaso sanadkii xigay (1994) la daawaday balse Akki labo Filim guulesteen ayuu heestay waqtigaa oo kala ah Saugandh iyo Khiladi halka SRK uu heestay Deewana oo HIT weyn u noqday inkastoo uu isaga hogaamiye ka ahen.

Iskudhaca Filimadaas kadib guusha waxay raacday Waqt Hamara Hai halka Maya Memsab laga guuleystay waxuuna ahaa mashruuc dhaqan reer yurub ah leh muuqaalo anshax xumana lagu soo bandhigay daawadayaashii xiligaana wey iska diideen waxayna ka doorteen Waqt Hamara Hai oo Filim dhadhan leh ahaa Filim seddexaad ayaa jiray oo ay hogaaminayeen Raj Babbar iyo Meenakshi Shesadri kaaso lagu magacaabo Badi Bahen dhab ahaantina waxuuba ka ganacsi wacnaa Maya Memsaab.

Seddexdaan Filim tiyaatarada waxaa la saaray 2 July 1993 fadlan hoos kaga bogo ganacsigooda maalinta kowaad, seddexda maalin ugu horeysay iyo todobaadka kowaad isku barbardhiga lagu sameeyay:

Maalinta Kowaad:

Badi Bahen- 6.50 Lakh (35 shaashad ayaa la saaray)

Maya Memsaab- 4 Lakh (25 Shaashad)

Waqt Hamara Hai- 25 Lakh (110 shaashad)

Seddexda Maalin ugu horeysay:

Badi Bahen- 19 Lakh

Maya Memsaab- 13.50 Lakh

Waqt Hamara Hai- 66 Lakh

Todobaadka Kowaad:

Badi Bahen- 32 Lakh

Maya Memsaab- 23 Lakh

Waqt Hamara Hai- 1.07 Crore

Sida cad Waqt Hamara Hai todobaadkiisa kowaad 1 Crore ayuu keenay halka labada kale kala bar lacagtaas xitaa keeni waayeen hadaba shabakada BoI sidee horey u balan qaaday xogta Filimada 1993 iyo wixii ka horeyeen ahaayen kis kis ayee usoo daabace inta waqtiga Karantiilka lagu jiro.

hadana waxaan ogaanay seddexdaan Filim ganacsigooda maalinta kowaad, seddexda maalin ugu horeysay iyo todobaadka kowaadba balse waa lawada ogaa in Waqt Hamara Hai ku gyuleystay isku dhacii sanadkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here