Waxaan horey usaadalinay dhamaanteena (shabakada Filimside iyo akhristayaashedaba) ganacsiga filimka tiyaatarada saaran ee Good Newws kaaso maalintiisa seddexaad maanta tiyaatarada saaran.

Saadaasha waa mid wadato xeerar dib ayaana ka sharaxeyna xeerarkaas balse aan isla ogaano ganacsiga maalinta kowaad, Seddexda maalmood ugu horeysay iyo todobaadka kowaad ee Good Newws uu keenay iyo hadii ay jiraan dad saxeen saadaashiisa.

Filimka Good Newws maalintiisa kowaad waxuu keenay 17.50 Crore sida shabakada BOI shaaca ka qaaday waxayna ahed maalin jimco iyo maalintiisa kowaad iyo mashruuca oo loogu talo galay kaliya reer magaalka marka bilaawashaadaas ma xumo.

Hadaba dadkii ka qeyb qaateen oo aan anaga kujirno saadaasha mashruucan wey mahadsan yihiin balse majiro qof saxay oo si rasmi ah u sheegay saadaasha ganacsiga maalinta kowaad sababtana waxay ahed hadii xisaabta jajab kujirto in si toos ah loo rabo tiradaas jajabka wadato inaad u saxdid sikasto usoo dhaweyso ma aadan sixin.

Saadaasha Seddexda maalmood iyo saaxiibada saxeen: Labo Akhriste ayaa saxeen saadaasha seddexda maalmood ugu horeyso waxayna kala yihiin Cabaas Cismaan iyo Kaneeti maadama Good Newwz seddexdiisa maalmood ugu horeysay uu keenay 65 Crore.

Saadaasha todobaadka kowaad: majiro qof saxay saadaashan waxuuna Good Newwz todobaadkiisa kowaad keenay 126 Crore hadaba aan sugno saadaasha cimri ahaantiisa iyo asaxaabta sixi doonaan.

Sidee ugu macquulsan ee loo sixi karaa:

Hadii filimka Good Newws keeni lahaa 18 Crore dadkana ay saadalin lahaayen 17.60 crore ilaa 18 Crore inta u dhaxeyso wey wada sixi lahaayen laakiin 17.50 Crore iyo wixii ka hooseyo qofkii sheego ma sixin wuu qalday tanina waa tusaale.

Saadaasha labo qaab waad u dhiiban kartaa inaad toos tiro aan jajab lahen qabsato sida 15 Crore, 20 Crore ama aad qabsato tiro jajab leh sida 12.50 Crore, 20.70 Crore iyo wixii lamid ah.

Hoos kaga bogo qof walba saadaasha uu ka bixiyay maalinta kowaad, Sedexda maalmood iyo todobaadk kowaad ganacsiga filimka Good Newws:

F.G: mala xisaabin doono dadka banaanka ama qeybta Facebook Page-ka saadaashoda ku dhiibteen kaliya waxaan xisaabin doonaa dadka Comments ahaan qeybta gudaha webka inoogu reebaan saadaashooda iyaga ayaa kala ogaan karaa si xadidan balse banaanka wey adagtahay…

Saadaasha Masuuliyiinta shabakada Filimside

Zakarie Abdi: Maalinta kowaad wuxuu keeni doonaa 15 Crore,Sedexda maamood ugu horeyso 60 Crore, Todobaadka kowaad 120 Crore.

Ali Aadan: Maalinta kowaad 18 Crore, Seddexda maalmood ugu horeyso 58 Crore, Todobaadkiisa kowaad 125 Crore.

Cabdiraxmaan Anteeno: Maalintiisa koowaad wuxuu keeni doonaa 20 crore, sadaxdiisa maalmood ugu horeyso 68 crore, Todobaadkiisa koowaad; 128 crore.

Saadaasha Akhristayaasha shabakada Filimside:

Cabaas Cismaan: maalinta koobaad 25 crore, 3 maalin ee ugu horaysa 65 crore (Sax 2 dhibcood), Todobaadkiisa koobaa 130 crore

Kaneeti: Malinta kuwaad waxuu Keeni doona 17crore, Sadexda malin ogu horeyso 65 crore (Sax 2 dhibcood),

Hanif Apik: Maalintiisa 1aad: 19cr, 3-diisa maalmod: 70cr, Isbuuciisa 1aad: 125cr

Ayaan Muuse: Ani ahaan maalinta ugu horeysa 24 crore, Sadexda maalin 81 crore, isbuuca koowaad 185 crore.

Ahmed naaji: malintiis kowaad 13 crore, 3sdexd malin ugu horeysa 57, isbuuciisa kowad 102.

Omar: Malintii kowaad 17 cr, sadaxda malin 64 crore, isbuca kowad 130 crore.

Munasar Muse Hassan: Malintiisa kowaad wuxuu keeni doona =17core, Sadaxda maalin ugu horeyso =60core
Isbuuciisa kowaad =115core.

Abidnasir Seyruuq: Maalinta Koowaad 14Cr,

Sadax maalin ee koowaad 60cr

Todobaadka 100cr

Sakia Abdalla: Malinta kowad16 crore, sadexda malin 38 crore todowadkisa 105 crore. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here