Maanta oo kale 30-ka Maarso 2018 tiyaatarada Hindiya waxaa qabsaday filimka Baaghi 2 oo Blockbuster weyn noqday awood ahaana Tiger Shroff ka caawiyay inuu noqdo xidig dhameestiran sidoo kalena maqaamkiisa halkii ugu sareesay gaaray wixii markaas ka dambeeyana xidigan gadaal masoo fiirinin.

Haddaba sida keedka shabakada BOI ku diiwaan gashan Baaghi 2 wuxuu noqday Blockbuster-ka ugu weyn Tiger sameeyo ee kaligiis hogaamiye ka yahay iyo filimka ugu bilaabashada wanaagsan xidigan sameeyo sidoo kalena filimka lacagaha ugu badan soo xareeyo ee Tiger sameeyo dibad iyo dal taasi oo ka caawisay awoodiisa atoorenimo ee uu aflaanta ku gadi karo maqaam sare inay gaarto.

Xogta filimka Baaghi 2 oo dhameestiran fadlan hoos kaga bogo iyo wacdarihii uu dhigay 2-sano ka hor markii masraxa la saaray:

Jilaayaasha filimkan: Tiger Shroff, Disha Patani, Manoj Bajpai & Randeep Hooda

Director: Ahmed Khan

Soo saare: Sajid Nadiadwala

Tiyaatarada la saaray: 3500

Nidaamka uu ku furmay: Si heer sare ah ama Excellent

Maalinta kowaad: 25 Crore (filimka 4-aad ugu bilaabashada wanaagsanaa 2018)

Sedexda maalmood ugu horeyso: 72.48 Crore (filimka 6-aad sedexda maalmood ugu horeesay lacagaha ugu badan soo xareeyay 2018).

Todobaadka kowaad: 110.81 Crore (filimka 4-aad todobaadka kowaad lacagaha ugu badan soo xareeyay 2018)

Cimri ahaantiisa :160.74 Crore (filimka 4-aad lacagaha ugu badan soo xareeyay 2018)

Lacagaha lagu qarash gareeyay: 59 Crore

Saamiga laga helay: 80.37 Crore (filimka 5-aad saamiga ugu badan laga helay)

Tirida tikit u goosatay:17-milyan & 345,000 oo qofood.

Ganacsiga suuqyada caalamka: $6.90m

Ganacsigiisa dibad & dal la isku daray: 250.55 Crore

Imisia todobaad ayuu masraxa Hindiya saarnaa: 9-todobaad

Qiimeynta sheekada IMDb Rating: 4.9/10

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here