Kulanta saaxiibada sharafta badan meel walbo dunida ka joogtaan waxaan macluumaad idiin kaga wadnaa xidigaha caanka ah Akin Akinozu (Miiraan) iyo Ebru Sahin (Reyyan).

Waxay noqdeen lamaane si weyn loo jeclaaday waqtigaan daafaha caalamkana si weyn looga soo dhaweeyay qaab jiliinkooda taxanaha Hercai hadaba waxaan idiin heynaa mid kamid ah wareysiyadii ay jeediyeen xidigahan intee duubayeen Hercai waxaana kasoo qaadanay kaliya dhowr suaal oo xiiso leh.

Balse wareysiyadooda oo dhameestiran si gaar ah ayaan usoo diyaarin doonnaa anagoo dhowr maqaal oo kala duwan ka diyaarin doono bal aan isla ogaano mar ay Reyyan ka hadashay nin hada kahor faraxumeyn rabay.

Sido kale Miiraan nolosha dhabta ah waa qof dagaal badan hoos kaga bogo iyagoo kala sharaxayaan arimajan xiisaha leh ee taageerayaashooda daafaha caalamka xili hore la wadaageen dabcan qaarkiina kama warqabaan ilaa iyo imika.

Reyyan oo ka hadleysa ninkii hada kahor iskudayey inuu faraxumeyo waxay tiri.

“Waxay ahed xili aan duubis kujiray mid kamid ah Raggii aan la shaqeynaayey ayaa iskudayey inuu ka faaideysto isku soo dhowaanshaha ama muuqaalada aan la duubayey ma doonayo inaan shaaciyo magaciisa markii hore ujeedkiisa ma dareynsaneen.”

“Laakiin markii dambe ayaan fahmay xitaa qolka Make’up ayuu iiguso galay isagoo iska dhigaayo qof ila faraciyaarayo waxuuna isku dayey inu gacmo ilasoo galo isagoo iskudayey inuu igu xad-gudbo waan udulqaatay balse wado ayuu ka dhigtay dhowr jeer ayuu sidaa ku celiyay xiliyo kala duwan oo uu qolka Make-up-ka iigu imaanaayey.”

“Maalintii dambe runta ayaa usheegay anigoo canaantay waliba waan dhirbaaxi lahaa maalinkaas sido kalena arinka fadeexo ayee noqon lahed balse waan iska gaabsaday sido kale isagana cafis ayuu iga dalbaday waliba si weyn waana cafiyay waxuuna ii ballan qaaday maalinkas kadib inuusan akteyda uso dhowaan doonin xili aan duubis jirin.”

“Aniga wixii maalintaas ka dambeyay ilaa iyo hada lama shaqeynin waa iska ilaaliya waana xiligii iigu naxdin badned intaan fanka kujiray dad noocaas ah weyjiraan markaas ayaa la kulmay ragg sidaa udamac badan.”

Reyyan sheekadan waxay ku keentay waxaa la weydiiyay suaasha ah “waligaa fanka makala kulantay wax anshax-xumo ah ama ragg kuguso xad gudbaan xiliga duubista” sidaas ayeena oga jawaabtay.

Miiraan oo la weydiiyay nolosha dhabta ah inuu yahay qof dagaalka jaceyl ama miskiin iska aamus inuu yahay?

“Nolosha dhabta ah iyo fanka jiliinkana dagaal ayaan unugulahay (kadib isaga, Reyyan iyo saxaafada wey qosleen) marka shaashada la joogo waxaan ka helaa inaan duubo muuqaalo dagaal ah oo Action-ka ayaa ah dooqeyga kowaad ah run ahaanti jaceylka kama helo inaan duubo balse shaqadeýda hader ugu badan ah ayaa ah jaceylka sameyntiisa.”

“Nolosha dhabta ah marka la joogana dadka iga akdhow waxay idhahaan waad kulushahay dagaal ayaadna xili walba diyaar utahay lkn ani sidaas iskuma maleeyo ma aqaan waxay sidaa udhahaan qoyskeyag ayagoo niyada iidhisaana waxay idhahaan waxaa tahay lajeclow iyo qof Romantic ah.”

Akhristayaasha qiimaha leh Miran iyo Reyyan suaalahan waxaa la weydiiyay mudo 6 bil kahor ah waxaase jiraan suaalo kale oo cusub misane badan oo la weydiiyay dhamaadkii December waana Interview-gii udambeyay ee laga qaaday jilayaashan waana idiin soo gudbin doonnaa.

1 COMMENT

Leave a Reply to Iqra Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here