Inta badan filimada waxaa xiiso u yeelaan laadariinta ama shaqsiyaadka xumaanta matalaan waxaana libinta qaataan atoorayaasha oo doorka samaanta matalaan.

Balse waxaan idiin heynaa 20-laadar oo xumaantooda bandhig ahaan meel ku saareen atoorayaasha la jileen kuwaas oo wanaag ka talinayeen ama doorkooda wanaag ahaa.

Hadaba marnaba lama hilmaami karo filimada qaar ee laadariinta ama kuwa xumaanta matalayaan saameyn lixaad leh la imaadeen hadal heyntana ay ka qaateen atoorayaasha:

1. Saif Ali Khan (Omkara):  Saif doorkiisa hirgalay Langda Tyagi waa mid siweyn u hareeyay Ajay Devgn oo hogaamiye ka ahaa filimka Omkara sidoo kalena Saif wuxuu ku qaatay abaal marino fara badan ilaa haatana waa mid mid ka mid ah aflaanta uu sida weyn Omkara ugu faano.

2. Shah Rukh Khan (Darr): Filimkaan Blockbuster-ka noqday SRK wuxuu ku helay magacii uu u baahnaa asigoo siweyn kaga saameyn badnaaday Sunny Deol oo xiligaas awood fanka Hindiya ku heestaan.

Maantadan la joogo ayadoo daawashada Darr kasoo wareegatay 27-sano hadii magaca filimkaas lasoo hadal qaado SRK ayaa maanka kaaga soo dhacaayo waxaana la jileen Sunny Deol iyo Juhi Chawla oo aysan maskaxda kaaga soo dhaceyn marka kowaad!

3. Priyanka Chopra (Aitraaz): Tani dood lagama keeni karo Priyanka iyo doorkeedii xumaanta Aitraaz waa mid ay jeebka ku ridatay Akshay iyo Kareena waxayna ku qaadatay abaal marino badan xidigtaan.

Filimkaan magaca Aitraaz laguma xasuusto ee waxay dadka isku fahansiiyaan inuu yahay filimka “Priyanka ay Akshay xoogeyso!” Intaas ayaaba caddeyn kuugu filan saameynta ay ku leedahay.

4. Aamir Khan (Dhoom 3): Aamir kabaha laadarnimada ayuu gashtay balse wuu ku xarakeeyay doorkiisa Dhoom 3, weliba doorkiisa labada walaalo mataanaha ah sida uu u matalay caadi ma ahan, Abhishek Bachchan iyo Uday Chopra oo samaan doon ahaayeen filimkaan marqaati ayay ka noqdeen bandhiga taariikhiga ah Aamir muujiyay!

5. Amjad Khan (Sholay): kani waa filimka ugu weyn Hindiya sidoo kalena Amjad Khan doorka ugu weyn ebid filim laadar Hindiya ku matalo ayuu filimkaan la yimid.

Amjad Khan dadka uguma yeeri jiray waxayna ugu wici jireen “Gabbar Singh” magaca uu Sholay ku matalay sidoo kalena qof walbo oo laadar filim ku matalo wuxuu ku riyoodaa sida Gabbar Singh oo kale inuu atoorayaasha sida hooska camal u hareeyo.

Xasuusnaaw Amjad Khan wuxuu Sholay kaga saameyn badnaaday Dharmendra iyo Amitabha Bachchan marka wax dhiman malahan hadii labadaan Superstar uu hadal heynta Sholay ka qaatay!

La Soco Qaybta Labaad


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here