Maanta oo kale 19 May 2000 waxaa la daawaday filimka Classic ah Kya Kehna ee hogaamiye ka ahayd Preity Zinta kuna wehliyeen Saif Ali Khan, Chandrachur Singh iyo Anupam Kher. Filimkan wuxuu noqday Super Hit weyn waana halka filim ee Super Hit noqday sanadii 2000 kaliya Kaho Naa Pyaar Hai iyo Mohabbatein ayaa darajo weynaayeen oo Blockbuster noqdeen.

Preity waxay tartantay abaal marinta Filmfare Awards qaybta atirishada ugu wanaagsan balse nasiib daro Karisma Kapoor ayaa ka dul qaaday oo filimkii Fiza lagu siiyay.

Fadlan hoos kaga bogo macluumaadka dhameestiran filimka Kya Kehna sida uu Super Hit ku noqday, lacagaha lagu qarash gareeyay iyo tirada dadka ah ee tiyaatarka ka daawadeen:

Director: Kundan Shah

Tiyaatarada la saaray – 135

Cimri ahaantiisa ganacsiga uu sameeyay – 12.17 Crore

Lacagaha lagu qarash gareeyay – 4 Crore

Saamiga laga helay – 5.97 Crore

Tirada tikit u goosteen – 7-milyan & 671,000 oo qofood.

Sicirka maanta lacagtiisa maxay u dhigantaa – 77 Crore.

Natiijadiisa rasmiga ah: Super Hit

Ganacsigiisa suuqyada caalamka – $375k

Ganacsigiisa dibad & dal – 22.17 Crore

Qiimeynta sheekadiisa – 5.9/10 IMDb Rating

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here