Gabadha lagu magacaabo Masaba Gupta ee filimada jisho sidoo kalena dhanka Fashion-ka looga haray ayaa baraha bulshada qabsatay kadib markii ay soo bandhigtay 20-sano ka hor sawir wiil ay u egtahay waxayna markaas la kulantay Hrithik Roshan oo Hindiya ku qabsaday filimkiisii kowaad Kano Na Pyaar Hai.

Masaba Gupta aya sawirka sare idinka muuqdo soo dhigtay baraha bulshada waxayna soo raacsiisay qoraalkan “Xaqiiqo dhab ah balse qosol badan, markii aan jiray inta u dhaxeyso 11-sano ilaa 12-sano, waxaa tiyaatarada la saaray Kaho Naa Pyaar anigana waxaan hooyadeey ku qasbay inay Hrithik Roshan ila kulansiiso haddii kale aanan wax raashiin ah cunneyn. Waxaan u ekaa wiil yar oo xoog badan kkk kkk”

Masaba Gupta waxaa hooyo u ah maamada filimada lagu tixgaliyo ee dooraka adag ka qaadato waa Neena Gupta taasi oo sanadii 2018 bilado badan ku qaadatay filimki Badhaai Ho ee Ayushmann Khurrana hogaamiye ka ahaa.

Masaba Gupbta waxay qiratay inay Hrithik Roshan taageero weyn u tahay sidoo kalena 20-sano ka hor kulankii ay la qaadatay marnaba hilmaami doonin, haatan waa xidig baraha bulshada caan ka ah oo dhanka Fashion-ka looga haray sidoo kalena barnaamijyada TV-ka baxaan kasoo muuqato.

Masaba Gupta waxaa aabo u ah ruug cadaagii cayaarta Cricket-ka looga haray Viv Richards oo West Indies u dhashay sidoo kalena gabadhan waxay guursatay filim soo saaraha lagu magacaabo Madhu Mantena sanadii 2015 balse sanadii 2019 ayay si rasmi ah u kala tageen. Waxayna gabadhaan caan ku tahay inay Fashion sameyso ganacsiga labiska dumarkana ka sameyso baraha bulshada sida Instagram-ka iyo WhatsApp-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here