Home » Nolosha Jilaayaasha » 20 Years of Kuch Kuch Hota Hai: 5 Suaal Oo Is Weydiin Mudan Jawaabna Loo Waayey Kuna Saabsan Hogaamiyasha Filmkaan!!

20 Years of Kuch Kuch Hota Hai: 5 Suaal Oo Is Weydiin Mudan Jawaabna Loo Waayey Kuna Saabsan Hogaamiyasha Filmkaan!!

Waxaa xalay la qabtay xaflada loo dhigay sanad guurada dabaal daga filmka Kuch Kuch Hota Hai kaaso jirsaday 20 sano waana mashruucan uu Karan Johar Bollywoodka ku qabsaday 1998.

Hadaba sidaan horey idiin kula wadaagnayba Filmsameye Karan Johar ayaa dhigay xaflad heer sare ah xalay ilaa shalay ayaana idiin la wadaageeney xog walba oo xafladan iyo mashrucan ku saabsan.

Kuch Kuch Hota Hai waxaa la daawaday shalay oo kale 16 Octo sanadkii 1998 waana film All Time Blockbuster noqday ama darajda ugu sareeso film gaaro isagoo sanadkii 1998 noqday filmka lacagaha ugu badan Box-office-ka ka keena.

Waxaa wada jileen mashruucan Shah Rukh Khan, Salman Khan (Muuqaal marti la fidiyay), Kajol, Rani Mukerji, Anupam Kher, Johnny Lever, Farida Jalal, Reema Lago iyo kuwa kale oo badan.

Xidigaha kasoo qeyb galeen xaflada waxaa kami ah SRK, Kajol, Rani, Karan Johar, Sidharth Malhotra, Kareena Kapoor, Varun Dhawan, Janhvi Kapoor, Ishaan Khattar iyo kuwa kale oo badan.

Hadaba waxaan idiin heynaa 5 suaal oo inta badan la is weydiyo kuna saabsan hogaamiyasha filmka Kuch Kuch Hota Hai halkaan hoose kaga bogo 5 suaal ka jawaabistoodana idinka ayee idiin taal qof walba fikirkiisa hakaga jawaabo.

Rahul Iyo Anjali markii hore saaxiibo ayee ahaayen maxay isku jeclaan waayen markii hore labadoodaba oo kaliya Anjali jaceylka u dareentay.

Rahul Anjali

Tina gabadheeda Anjali Rahul 8 jirka kaliya le miyee wax ku akhrisa maxaa u diiday 1 -7 sano ay ka gaarto inee warqadaas u akhriso oo ay 8 sano ula sugesaay.

Anjali 8 Letters

Anjali markii hore Rahul kama uusan helin balse markee Saare-ga xirashadiisa bilawday ayuu bilaaway inuu ka helo timahana ay deesatay sidaas ma waxay u yeeshtay si ay Rahul qalbigiisa ku hanato maadama yaraanteda ay hanan weysay.

Rahul Anjali 2

Maxay tahay sababta ka dambesa in Tina ay gabadheeda u cayinto da’da 8 sano markee gaarto inee warqadaas akhriso sideese ugu fikirtay Tina in gabar 8 jir kaliya ah ay isku keeni karto dad ayada ka weyn oo waalidiinteda ah.

Anjali Letter Kuch Kuch Hota Hai

Ardayda iskuulka dhamaaan waxay ka wada dambeyeen Anjali iyo Rahul sababtaas maxay tahay ma kabiirada iskuulka mise sidee ayee kudhacday in labadooda bas iskuulka laga wada dambeeyo awood ahaan.

rahul anjali frandship

 

 

 

One Response to 20 Years of Kuch Kuch Hota Hai: 5 Suaal Oo Is Weydiin Mudan Jawaabna Loo Waayey Kuna Saabsan Hogaamiyasha Filmkaan!!

  1. abdihkim

    October 17, 2018 at 9:15 pm

    su’aasha odhanaysa
    (Tina gabadheeda Anjali Rahul 8 jirka kaliya le miyee wax ku akhrisa maxaa u diiday 1 -7 sano ay ka gaarto inee warqadaas u akhriso oo ay 8 sano ula sugesaay)
    runtu waxa weyi rani mukherji inta aysan dhiman ka hor waxa ay gabadheda yar u qortay 8 waraqadood o ay ugu talo gashay in sanad guuro walba la siiyo hal waraaq marka sanad guradedi 8aad iyo waxa isku begmay warqadi ugu dambaysay ee 8aad o hoyaded ugu talagashay marka ay sideed sano gadho inay fahmi donto xidhiidki jacayl e saddex gesoodka aha ee u dhaxeyay abehed,hoyaded iyo kajol
    suashasi jawabteda watas ayan u malaynaya