Home » Nolosha Jilaayaasha » 20 Years of Kuch Kuch Hota Hai: SRK, Kajol Iyo Rani Oo Loo Wada Kacay Soona Galeen Xaflada!!

20 Years of Kuch Kuch Hota Hai: SRK, Kajol Iyo Rani Oo Loo Wada Kacay Soona Galeen Xaflada!!

Waxaa si rasmi ah u bilaawatay xaflada loo dhigay sanad guurada dabaal daga filmka Kuch Kuch Hota Hai kaaso jirsaday 20 sano waana mashruucan uu Karan Johar Bollywoodka ku qabsaday 1998.

Hadaba sidaan horey idiin kula wadaagnayba Filmsameye Karan Johar ayaa dhigay xaflad heer sare ah xalay ayaana maqaal ka diyaarinay in uu xaflad uu mashruucisa ugu dabaal dagaayo dhigi doono.

Looma kala harin xaqiiq ahaan xaflada Kuch Kuch Hota Hai lagu xusaayo ee Shirkada Dharma Productions dhigatay sawirada kowaad waxaa laga soo bandhigay Karan Johar oo mashruuca Director iyo Producer-ba ka ahaa.

Kuch Kuch Hota Hai waxaa la daawaday maanta oo kale 16 Octo sanadkii 1998 waana film All Time Blockbuster noqday ama darajda ugu sareeso film gaaro isagoo sanadkii 1998 noqday filmka lacagaha ugu badan Box-office-ka ka keena.

Waxaa wada jileen mashruucan Shah Rukh Khan, Salman Khan (Muuqaal marti la fidiyay), Kajol, Rani Mukerji, Anupam Kher, Johnny Lever, Farida Jalal, Reema Lago iyo kuwa kale oo badan.

Wadada haloo baneeyo hogaamiyaasha filmka waaye markaan, Shah Rukh Khan, Rani Mukerji Iyo waliba Kajol oo si wadajir ah sawir qaadayaasha hortooda oga soo muuqdeen gudaha xafladana horey u galeen sido kale waxaa goobta imaadeen Varun Dhawan iyo Kareena Kapoor oo dhankooda ka shideen xaflada.

Photos,kuch kuch hota hai,Varun Dhawan,Kareena Kapoor Khan

News,kajol,rani mukerji,shah rukh khan,20 Years of Kuch Kuch Hota Hai

Photos,kajol,rani mukerji,shah rukh khan