Rasm: Filimka Dangal Oo 1000 Crore Oo Gudaha China Kasoo Xareeyay Sidoo Kalena Shatiga Loo Cusbooneysiiyay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Mr. Perfectionist Aamir Khan filimkiisa Dangal wuxuu si rasmi ah gudaha China kaga soo xareeyay 1000 Crore ($151M) kadib markii uu dhameestay todobaadkiisa 4-aad ee tiyaatarada China laga daawanayo.

Dangal wuxuu noqday filimka 14-aad ee China sameynin kaasi oo soo xareeyo ¥1 billion waana filimka ugu horeeyay ee aan Hollywood ahayn oo hal bilyan yuwaan China lacagtooda ah soo xareeyo!!

WARAR DHEERAAD AH:

Filimka Dangal mudo 4-todobaad ah wuxuu gudaha China kasoo xareeyay $158.27 million (1019.93 Crore) waana iskoor waali ah oo aan marnaba horey loogu riyoonin.

Dangal shatiga lagu daawanayo wuxuu ahaa mudo bil ah balse haatan dowlada China shatiga filimkaan lagu daawanayo wey u cusboneysiisay waxaana lasii daawan doonaa ilaa 4-ta bisha July.

Sidaa darteed hal bil oo dheeri ah ayaa Dangal loogu daray ruqsada lagu daawanayo gudaha China madaama dalababaadka dad weynaha siweyn isku soo taraayo waana hubaal in ganacsigiisa filimkaan sii socon doono.

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. faiso maxamed says:

    xaaji aamir sln sare libaax waxaasa rikoor ah nin culus india waad ka tagtey adduunka kale la xisaabtanDANGAL KHAN GUUL WACAN

  2. Abdiogaal says:

    zakariye wll waxaaan wataaa suaal markii la dhho Worldwide Ma loo xisaabinaa Dangala lacagtaan zu ka soo xareeenayo China ? lacagtaane Ma tahy canshuuurta ka dib

    • Zakarie Abdi says:

      Walaal marka Worldwide waxaa la xisaabiyaa lacagta guud canshuurta ka hor lama xisaabin karo canshuurta kadib waayo xog rasmi ah lagama heli karo dal walbo nidaamka uu canshuurta u qaado.




Featured Video