Rasmi: Filimka Sachin – A Billion Dreams Iyo Todobaadkiisa Kowaad Lacagaha Uu Keenay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Filimka Documentary-ga ah Sachin – A Billion Dreams ayaa ganacsi fiican sameeyay todobaadkiisa kowaad sida shabakada Boxoffice India soo daabacday waxaana ugu wacan in nolosha Sachin Tendulkar looga hadlaayo kabtankii hore ee xulka Hindiya cayaarta Cricket-ka.

Filimka Sachin – A Billion Dreams todobaadkiisa kowaad wuxuu keenay 35 Crore (Trade Figure) waana lacago heer sare ah oo aysan xitaa keenin filimada Bollywood-ka ee mada daalada dhameestiran leh.

WARAR DHEERAAD AH:

Filimka Sachin – A Billion Dreams wuxuu noqday filimka Documentary-ga ah midkiisa lacagaha ugu badan ebid soo xareeyo wuxuuna jebiyay iskoorkii u yiilay filimka Cinema Cinema (1979) kaasi oo 33 Lakh kooxda cajaladaha qeybiyeen xiligaas ku iibsadeen.

Cinema Cinema (1979) waxaa ka lacag badiyay Sachin – A Billion Dreams inkastoo filimkaan lacago qaali ah lagu iibsaday hadana kooxda iibsadeen hal todobaad lacagaha uu Sachin keenay ayaa ku filan.

Dhinaca kale filimka Hollywood-ka ah Pirate Of The Caribbean  – Salazars Revenge todobaadkiisa kowaad wuxuu gudaha Hindiya ka keenay 21 Crore (Trade Figure) waana ganacsi dhex dhexaad ah.

Filimka Pirate Of The Caribbean 5 wuxuu u baahan yahay inuu 30 Crore gaaro si uu Average u noqdo ama filim soo celiyay lacagaha ay ku qaateen kooxda cajaladihiisa qeybiyeen.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video