Saaxiibo Cusub: Kareena Wiilkeeda Taimur Iyo Tusshar Wiilkiisa Laksshya Oo La Is Baray

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Kareena Kapoor Khan’s son Taimur and Tusshar Kapoor’s son Laksshya are the new BFFs in town

Taimur Ali Khan Iyo Laksshya Kapoor Si Fiican Ayay Isku Fahmeen Waana Saaxiibo Cusub!

Ma jirto wax ka qurux badan markii labo caruur ah waqti isla qaataan midaasna waxaa sameeyeen waalidiinta Bollywood-ka ka tirsan Kareena Kapoor Khan iyo Tusshar Kapoor.

WARAR DHEERAAD AH:

Todobaadkaan waxay ahayd sanad guurada Laksshya Kapoor oo ah wiilka Tusshar Kapoor uu aabaha u yahay waxaana xafladiisa dhalasho kasoo qayb galeen Kareena Kapoor Khan iyo wiilkeeda Taimur Ali Khan.

Hadaba habeenkii xalay ahayd Taimur Ali Khan Iyo Laksshya Kapoor ayaa la is baray waxayna wada qaateen waqti wacan ayagoo noqdeen saaxiibo cusub.

Kareena iyo Tusshar waa labo saaxiibo ah sidoo kalena filimo badan isla sameeyeen dadkana aad isaga dhow sidaa darteed la yaab ma noqon doonto hadii caruurtooda iyagan ay noqdaan kuwo aad isku jecel oo dadka isaga dhow.

Dhanka shaqada Tusshar Kapoor wuxuu ku mashquulsan duubista filimka weyn Golmaal Again halka Kareena Kapoor iyadana dhawaan duubis ku bilaabi doonto filimka u saxiixan Veer Di Weeding.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video