Top 10 India Fifth Week: Baahubali 2 Oo Hogaanka La Wareegay Filimada Todobaadka 5-aad Lacagaah Ugu Badan Soo Xareeyeen

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Kadib markii filimka Baahubali 2 todobaadkiisa 5-aad uu keenay 13 Crore wuxuu si rasmi ah u noqday filimka lacagaha ugu badan soo xareeyo todobaadka 5-aad ee Af Hindi lagu daawado.

Sidoo kale Baahubali 2 wuxuu noqday filimkii ugu horeeyay ee darajo 10 Crore ah gaaro todobaadkiisa 5-aad ee Af Hindi lagu daawado waana iskoor weyn.

Baahubali 2 wuxuu iskoorka kala wareegay filimka 3 Idiots (2009) oo todobaadkiisii 5-aad keenay 9.83 Crore sidoo kalena mudo 8-sano ah iskoorkaan heestay.

Baahubali 2 wuxuu dhigay iskooro taariikhi ah madaama uu isku darsaday iskoorada filimka todobaadka 1-aad, 2-aad, 3-aad, 4-aad iyo 5-aad lacagaha ugu badan soo xareeyo ebid ee Af Hindi lagu daawado dhamaana wuxuu cagta mariyay iskoor walbo oo Bollywood-ka horey ugu yiilay.

Fadlan hoos kaga bogo 10-ka filim ee lacagaha ugu badan soo xareeyeen todobaadka 5-aad ee Af Hindi lagu daawaday:

1. Baahubali 2 (2017) – 13 Crore (Qiyaasta xili hore)

2. 3 Idiots (2009) – 9.83 Crore

WARAR DHEERAAD AH:

3. Dangal (2016) – 8.62 Crore

4. Gadar – Ek Prem Katha (2001) – 7.18 Crore

5. Lage Raho Munnabhai (2006) – 6.41 Crore

6. Aashique 2 (2013) 5.80 Crore

7. Taare Zameen Par (2007) – 5.39 Crore

8. Chak De India (2007) – 4.38 Crore

9. Bajirao Mastani (2015) – 4.25 Crore

10. Dhoom 2 (2006) – 4.24 Crore.

F.G: Ka hor inta uusan Baahubali 2 iskoorka dhigin waxaa kaalinta 10-aad ku jiray filimka PK oo keenay 4.17 Crore todobaadkiisa 5-aad, balse haatan Top 10-ka iska badalay ayaa ku yimid Baahubali 2 ayaa kaalinta 1-aad la wareegay sidaas ayuuna PK kaalinta 11-aad ugu dhacay filimada lacagaha ugu badan todobaadkooda 5-aad soo xareeyeen.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video