Xiiso Badanaa Salman Khan Iyo Jacqueline Fernandez Oo Wada Sameyn Doonan ABCD 3

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Ninka looga haray ciyaar diyaarinta ee director-ka isku badalay Remo D’Souza filimkiisa xiga waa taxanaha lawada jacel yahay ee ABCD 3.

Waxaana maanta la sheegay in filimkaan xiisaha leh wada sameyn doona Super Star Salman Khan Iyo atariishadiisa filimka Kick ee Jacqueline Fernandez.

WARAR DHEERAAD AH:

Sida la sheegaayo filimkaan ayaa ku saabsan Aabo iyo gabadhiisa waxaana aabaha matali doona Salman Khan halka gabadhiisa 13 sano jirta doonayso inay badasho booska aabaheed, Sidoo kale waxaana la sheegay Jacqueline Fernandez filimkaan ku matali doonto macalimad ciyaarta Dance-ka dadka barto.

Sida DNa Sheegayso filimkaan ayaa duubis lagu bilaabi doona marka uu Salman Khan soo gaba gabeeyo duubista filimka Tiger Zinda Hai dhinaca kale Jacqueline ayaa filimkaan aad ugu heshay marka lola wadaagay waxaana sheekada filimkaan loo aqrin doona marka ay kasoo laabato London.

Super Star Salman Khan oo loogu bartay inuu sameeyo filimada jaceylka iyo Action ayaa markaan doonaayo inuu Aabo matalo doono waxayna uu muuqata inuu ka run sheegi doono da’diisa.

Qeybta ugu horeysay ee filimka ABCD wuxuu noqday Hit halka qeybta labaad ee ABCD 2 uu noqday Hit weyn haddaba waxaan sugnaba waa ABCD 3 iyo waxa uu la imaan doono.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video