Akshay Kumar Iyo Rajinikanth Filimkooda 2.0 Oo Hal Arin Ku Garaacay Baahubali 2

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Labada Super Star Akshay Kumar iyo Rajinikanth filimkooda weyn 2.0 ama Robot 2 loo yaqaan ayaa durba la sheegay inuu hal arin ku garaacay filimka Hindiya oo dhan qabsaday Baahubali 2.

Wararka hordhaca ah waxay sheegayaan Director Shankar filimkiisa 2.0 in gudaha Hindiya oo kaliya laga daawan doono 7000 oo tiyaatar hadii arinkaas ay xaqiiqo noqoto wuxuu jebin doonaa Director SS Rajamouli filimkiisa Baahubali 2 oo horey gudaha Hindiya looga daawaday 6,500 oo tiyaatar.

WARAR DHEERAAD AH:

Sidoo kale waxaa la sheegay in filimka 2.0 lagu daawan doono 15-luqadood halka filimka Baahubali 2 lagu daawaday 4-luqadood oo kaliya iyadana waa iskoor kale oo filimkaan weyn soo kordhin doono.

Warbixinada waxay intaas ku darayaan in filimka 2.0 lagu codeen doono luqadaha Chinese, Japanese  iyo Korean madaama filimkaan siweyn looga sugaayo bariga fog.

Filimka 2.0 sida la qorsheenayo waxaa la daawan doonaa 26 Janaayo 2018 balse inta xiligaas laga gaaray shaqo xoog leh ayaa laga qaban doonaa isku daba ridkiisa iyo luqadaha kala duwan ee lagu codeyn doono.

Kooxda 2.0 waxay shaaca ka qaadeen in mashruucaan uu noqon doono midkii ugu weynaa ee ebid Hindiya sameeyaan sidoo kalena yahay filim caalami ah oo heer cusub fanka Hindiya gaarsiin doono sanadka dambe marka tiyaatarada la saaro.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video