Baahubali 2 Jimcadiisa 6-aad Iskoor Wuu Sameyn Waayay Waana Markii Ugu Horeesay Mudo 35-Maalmood Kadib!!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Filimka Bahubali 2 – The Conclusion ayaa sii wato sameynta ganacsiga adag wuxuuna Jimcadiisa 6-aad keenay 75 Lakh (Trade Figure) sida shabakada Boxoffice India xaqiijisay.

Waa markii ugu horeesay mudo 35-maalmood kadib Bahubali 2 – The Conclusion qaybtiisa Af Hindiga lagu daawanayo uu iskoor sameyn waayay ama uu keeno lacago 1 Crore ka hooseeyo.

Sidoo kalena waa markii ugu horeesay Baahubali 2 uu hal maalin iskoor cusub soo kordhin waayo waxaana iskoorka Jimcada 6-aad in 1 Crore la keeno u yaalaa filimka Gadar Ek Prem Katha oo sidaas sameeyay 16-sano ka hor!

Laakiin Baahubali 2 Jimcadiisa 6-aad ganacsiga uu sameeyay ee ah 75 Lakh waa midka ugu wanaagsan Gadar marka laga soo tago asigoo garaacay filimada casrigaan 3 idiots, Bajrangi Bhaijaan, PK, Dangal iyo kuwii hore Dilwale Dulhania Le Jayenge, Rajas Hindustani, Kuch Kuch Hota Hai iyo Kabhi Khushi Kabhie Gham Jimcadiisa 6-aad ganacsiga ay sameeyeeen dhamaan Baahubali 2 ayaa ka badan.

Baahubali 2 haatan 501 Crore ayuu marayaa qaybtiisa Af Hindiga lagu daawanayaa waxaana muuqato in filimkaan cimri ahaantiisa ku istaagi doono 508 Crore qiyaas ahaan sidoo kalena ganacsigiisa guud ee canshuurta ka hor 700 Crore ayuu gaari doonaa qaybta Af Hindiga lagu daawanayo.

Fadlan hoos kaga bogo Baahubali 2 ganacsiga uu sameeyay ilaa haatan qaybta Af Hindiga lagu daawanayo:

WARAR DHEERAAD AH:

Todobaadka kowaad – 246.47 Crore (rasmi) iskoor cusub

Todobaadka labaad – 142.52 Crore (rasmi) iskoor cusub

Todobaadka sedexaad – 69.43 Crore (rasmi) iskoor cusub

Todobaadka afaraad – 29.11 Crore (rasmi) iskoor cusub

Todobaadka shanaad – 13 Crore (qiyaasta xili hore) iskoor cusub

Jimcada 6-aad – 75 Lakh (Qiyaasta xili hore)

Wadarta Guud – 501.28 Crore (Trade Figure) Qiyaasta xili hore Qaybta Af Hindiga Lagu Daawanayo

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. muxamed says:

    Wsqtigiiysiiybaa soo dhamaanaya




Featured Video