Katrina Kaif Oo Salman Khan Dartiis Cilaaqada Ugu Jartay Gabadha Hawlaheeda U Maamuli Jirtay Reshma Shetty

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Mudo labo bilood ka hor Mega Star Salman Khan ayaa si rasmi ah shaaca kaga qaaday inuu soo idleeyay wada shaqeyntii kala dhaxeesay gabadha ganacsigiisa u maamuli jirtay Reshma Shetty.

Salman Khan ayaa u mahad celiyay Reshma Shetty hawlihii ay lasoo qabatay waqtigiisa ugu quruxda badnaa ee Bollywood-ka asigoo bartanka kaga jiro haatana hawlihiisa ganacsiga iyo hagista mashaariicda uu saxiixanayo wuxuu ku wareejiyay masuuliyadaas walaalkiis ka yar Sohail Khan.

WARAR DHEERAAD AH:

Go’aan lama filaan ah waxaa haatan qaadatay Katrina Kaif oo iyadana cilaaqaadka u jirtay Reshma Shetty iyo shirkadeeda Matrix oo hawlaheeda iyo ganacsigeeda gaarka ah u maamuli jirtay.

Katrina Kaif iyo Reshma Shetty waxay wada shaqeenayeen 6-dii sano ilaa 7-dii sano ee ugu dambeesay balse haatan cilaaqaadka ayay kala goosteen.

Wargeyska Mumbai Mirror ayaa helay xog ku aadan in Katrina Kaif ay kooxda Salman Khan ku biirtay sidoo kalena hawlaheeda iyo ganacsigeeda gaarka ah waxaa maamuli doono kana tala bixin doono Sohail Khan.

Salman Khan iyo Katrina Kaif oo horey jaceyl kaga dhaxeyn jiray ayaa haatan wada duubayaan filimka Tiger Zinda Hai oo la daawan doono 21 December 2017.

Waxaana muuqato in lamaanihii hore si wacan isugu soo dhawaanayaan sidoo kalena ay rabaan inay is kaashadaan wanaaga ka dhaxeeyana ay heer sare gaarsiiyaan.

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. qalbi holcay maseerlowga xaafada says:

    Waaw gabar iga dheh jclkeeda ayey muujineysaa

  2. sahruuja Ubeyd says:

    salmaan ayay ku daysanaysaa ileen hada meel mahaysatee




Featured Video