Marwalbo Aabo Lagama Maarmo: Anil Kapoor Iyo Wiilkiisa Harshvardhan Kapoor Oo Filim Cusub Wada Sameyn Doonaan

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Wiilka fanka ku cusub Harshvardhan Kapoor  kaliya hal filim ayuu sameeyay sanadkii hore wuxuuna ahaa Mirzya kaasi oo ganacsi ahaan bur buray balse qaab jiliinkiisa qof walbo ayaa amaanay.

Sidaa darteed Harshvardhan Kapoor wuxuu haatan ku hawlan yahay sameynta mashaariic kala duwan oo uu saxiixday sidoo kalena wuxuu si geesinimo ku dheehan isugu dayaa inuu doorar kala duwan tijaabiyo.

Harshvardhan Kapoor  waxaa lala saxiixday inuu sameeyo filimka looga hadlaayo Abhinav Bindra oo Hindiya bilada dahabka Olympicada aduunka usoo qaaday asigoo dhanka toogasha ku taqasusay.

WARAR DHEERAAD AH:

Waxaana la sheegay in filimkaan Anil Kapoor ku matali doono Harshvardhan Kapoor  aabihiis waana filim fariin waaqici ah xambaarsan sidoo kalena ay shaashada wiil iyo aabihiis dareen qiiro badan kusoo bandhigi doonaan.

Filimkaan aan magaca loo bixinin waxaa la sheegay in si rasmi ah duubis loogu bilaabi doon bishia October ee dabyaaqada sanadkaan waana arin xiiso badan wada shaqeyna Anil Kapoor iyo Harshvardhan Kapoor.

Dhinaca kale Harshvardhan Kapoor  waxaa u diyaarsan filimka lagu magacaabo Bhavesh Joshi oo uu Director ka yahay Vikramaditya Motwane balse weli shaaca lagama qaadin xiliga la daawan doono.

Anil Kapoor isagana waxaa u diyaarsan filimka Mubarakan oo ay isla jileen wiilka uu adeerka u yahay Arjun Kapoor waxaana la daawan doonaa 28 July 2017.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video