Rasmi: Filimka Dangal Iyo Sabtigiisa 5-aad Lacagaha Uu China Ka Keenay Iyo Ganacsigiisa Guud Halka Uu Maraayo

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Madaama Super Star Aamir Khan filimkiisa Dangal hal bil ama 4-todobaad oo dheeri ah loogu daray shatigiisa gudaha China looga daawanayo filimkaan ayaa sii watao ganacsigiisa wacan.

Dangal sabtigiisa 5-aad wuxuu keenay $3.90 million (25.40 cr INR) mana muujinaayo filimkaan habacsanaan inkastoo China Boxoffice ay si fiican kaga gadmayaan filimada Hollywood-ka ah Wonder Woman iyo Pirates of The Caribbean 5.

WARAR DHEERAAD AH:

Ganaciga guud ee gudaha China filimka Dangal haatan wuxuu marayaa  $164 million (1056.63 Crore) sidoo kalena wuxuu galay liiska 25-ka filim ee taariikhda lacagaha ugu badan gudaha China kasoo xareeyeen!

Shaki la’aan iyo muran la’aan Dangal waa Blockbuster-ka ugu weyn ebid ee Hindiya sameeyeen kaasi oo suuqyada caalamka ganacsi waali ah ka sameeyo sidoo kalena ay adkaan doonto mustaqbalka in ganacsigiisa suuqyada caalamka la gaaro.

Dhinaca kale filimka Dangal ganacsigiisa guud gudaha China, Hindiya iyo suuqyada caalamka marka la isku daro wuxuu haatan filimkaan maraa 1823.81 Crore.

Dangal waa hubaal inuu noqon doono filimka ugu horeeyay ee Hindi ah kaasi oo 2000 Crore kasoo xareeyo isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka ganacsigiisa guud madaama hal bil oo dheeraad ah ruqsad lagu daawan karo gudaha China filimkaan la siiyay.

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. 56 says:

    Wa big score
    Talooy haduu filimkaan atoore kale wadi lahaa
    Heerka uu hada maraayo magaari lahaa!!!

  2. m.Guursade says:

    zxp hindiqya iyo dunida inteeda kale marka laysku daro dangal imisa ayuu maraya 250 million ma gaadhay




Featured Video