Suniel Shetty Oo Hal Shuruud Ku Xiray La Shaqeynta Gabadhiisa Athiya Shetty

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Bollywood Action Hero Suniel Shetty wuu soo laabtay wuxuuna dhawaanahan mashquul ku yahay aqrinta sheekooyin kala duwan ama filimada uu saxiixan doono.

Hadaba saxaafada ayaa weydiisay Suniel inuu gabadhiisa curada ah Athiya Shetty oo sanadii 2015 Bollywood-ka kusoo biirtay uu filim la sameyn doono.

WARAR DHEERAAD AH:

Suniel Shetty wuxuu ku jawaabay “Hubanti ahaan waan doonayaa inaan Athiya filim la sameeyo, laakiin hal shuruud ayaan wataa hadii aan filim isla sameyneno”

“Shuruudaas waxay tahay in sheekada filimka Athiya ku saabsan tahay 100% aniga aan iyada caawinaayo ma doonayo gabadheyda inaad shaashada ku cariiriyo ama saameynta filimka ka qaato”

“Waxaa la joogaa xiligii Athiya sidaa darteed filim iyada hogaamiye ka tahay ayaan la sameyn doonaa madaama aan aniga waqtigeyga soo qaatay”

Athiya Shetty sanadii 2015 waxay kusoo caan baxday filimkii Hero ee Flop-ka noqday haatan waxaa u diyaarsan filimka Mubakaran oo ay Arjun Kapoor isla jilayaan lana daawan doono 28 July 2017.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video