Yaab Badanaa Filimka Baywatch Waxaa Gudaha Hindiya Ku Garaacay Filimka Wonder Woman Oo Aan Xayeysiin Loo Sameynin

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Boxoffice-ka ayaaba ka sameysin dhacdooyin la yaab ah sidaa darteed labada filim ee Hollywood-ka ah ee maalintii shalay tiyaatarada gudaha Hindiya la wada saaray Baywatch iyo Wonder Woman lacagaha ay soo xareeyeen maalinta kowaad waa kaaf iyo kala dheeri.

Wonder Woman oo hal luqad oo Ingiriis ah kaliya lagu daawaday sidoo kalena tiyaataro kooban la saaray sidoo kalena aan xayeysiin balaaran loo sameynin maalintiisa kowaad gudaha Hindiya wuxuu ka keenay 2.50 Crore (Trade Figure) sida shabakada Boxoffice India xaqiijisay.

Priyanka Chopra filimkeeda Baywatch oo lagu daawaday afar luqadood Hindi, Tamil, Telugu iyo English sidoo kalena tiyaataro fara badan la saaray xayeysiin balaarana loo sameeeyay maalintiisa kowaad wuxuu keenay 1.50 Crore (Trade Figure) sida shabakada Boxoffice India xaqiijisay.

WARAR DHEERAAD AH:

Tani waxay ka dhigan tahay filimka Baywatch ganacsigiisa maalinta kowaad inuu yahay mid bur bur ku dheehan waxaana Boxoffice-ka ku garaacay filimka Wonder Woman oo si wanaagsan ku bilaawday.

Priyanka Chopra filimkeeda Baywatch todobaadkii hore gudaha Mareekanka ayuu ka bur buray ganacsi ahaan guul dareestay haatana gudaha Hindiya ayuu ka bur buray marka PC nasiib xumo weyn ayaa ku habsatay.

Dhinaca kale filimka kale ee Hollywood-ka ah Pirates of The Caribbean – Salazar’s Revenge oo guda galay todobaadkiisa labaad wuxuuna Jimcadiisa labaad keenay 60 Lakh asigoo sameeyay hoos u dhac weyn.

Sidaa darteed Pirates of The Caribbean 5 cimri ahaantiisa ma dhaafi doono 26 Crore wuxuuna noqon doonaa filim guul dareestay madaama 30 Crore marka uu gaaro uu filim Average ah noqon lahaa.

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. moha says:

    zxp zaki sheekada filimka Baywatch nala wadaaga plz




Featured Video