6-Jilaa Oo Filimo Muhiim Ah Ku Waayeen Lacago Waali Ah Oo Ay Dalab Ahaan U Sheegteen In Loo Siiyo

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Waa qasab jilaa kasto oo Bollywood-ka ka tirsan marka labo filim ama sedex filim Hit u noqdaan inuu sicirkiisa uu filimada ku sameeyo sare u qaado.

Sidaa darteed waxaan idiin heynaa 6-jilaa oo Bollywood-ka caan ka ah kuwaas oo filimo muhiim ah ku lumiyeen dalabkooda lacagaha uu aad u sareeyay:

Sonakshi Sinha: kadib markii filimkeedii Son Of Sardar Hit noqday sidoo kalena Dabangg 2 Blockbuster weyn noqday waxay ahayd sanadii 2012.

Xidigtaan waxaa loo soo bandhigay inay filimkii Kick la sameyso Mega Star Salman Khan laakiin waxay dalbatay lacago aad u baadan taasi oo ku qasabtay soo saare Sajid Nadiadwala inuu iska hilmaamo Sonakshi lana saxiixdo Jacequeline Fernandez.

Kareena Kapoor: Karan Johar ayaa la rabay Kareena inay filimkiisii Kal Ho Na Ho atirisho kowaad ka noqoto laakiin Karan naxdin ayay ku noqotay markii Kareena u sheegtay inuu siiyo isla lacagaha SRK filimkaan ku sameenayo!

Sidaa darteed Karan booskii uu Kareena la rabay wuxuu ku badalay Preity Zinta oo shuruud la’aan filimkaan sameesay magac weyn iyo maamuus lixaad lehna ku heshay.

WARAR DHEERAAD AH:

Madhuri Dixit: boqorada Bollywood-ka markii ay soo laabatay sanadii 2012 filim sameeyayaal badan ayaa kusoo xoomeen laakiin waxay ogeysiis ku bixisay in halkii filim 5 Crore ku sameeneyso.

Filim soo saarayaasha ayaa dalabka Madhuri la yaabeen madaama atirishooyinka yar yar xitaa lacagahaas qaadanin xiligaas waxayna Madhuri meesha ku weesay aflaan badan oo ay soo laabasho xoogan ku sameyn laheyd.

Shah Rukh Khan: Director Sanjay Leela Bhansali ayaa rabay inuu SRK u sameeyo filim weyn kadib guushoodii Devdas laakiin arimo dhaqaale ayaa lagu kala tagay.

Waxaa la sheegay SRK inuu dalbaday in mashruucaan lagu siiyo 90 Crore halka Bhansali uu dalabka SRK ku tilmaamay cirweynin waxana dhacday in filimkaan uu fadhiid noqday sidaana ay labadaan ku kala tageen!

Nawazuddin Siddiqui: atoorahan door walbo sameyn karo waxaa loo soo bandhigay dhamaadkii sanadkii hore inuu door muhiim ah ku yeesho filimka Jolly LLB 2 ee Akshay Kumar hogaamiyaha ka yahay.

Nawaz wuxuu dalbaday in 3.50 Crore lagu siiyo doorkiisa caawiyaha ah laakiin shirkada Fox Star dalabkiisa wey ku gacan seereen sidaas ayuuna ku waayay kasoo muuqashada Jolly LLB 2.

Sridevi: Super Star-daan waxaa la kulmay Director SS Rajamouli oo rabay inuu door weyn ka siiyo filimkiisa Baahubali, laakiin Sridevi waxay dalbatay in 6 Crore lagu siiyo sameynta filimkaan ayadoo door hooyo jileyso.

Director Rajamouli isma waalin wuxuu Sridevi booskii uu la rabay ku badalay Ramya Krishna oo boqorad mayal adag filimkaan ku matashay waxaana lagu siiyay sameyntiisa 2.50 Crore.

Fikradaha Akhristayaasha (5)

  1. fatxa says:

    Wll srk laxagta uu dalbaday ma 90 baa mise waa 9

  2. Muha Ali says:

    Wll 90 core Dollar Ahaan Intee bay Udhigantaaa

  3. Ayan Mohammed Awil says:

    90 crore how much is in dollor?




Featured Video