Jilaaga Door Walbo Sameyn Karo Nawazuddin Siddiqui Xita Sridevi Afkeeda Ayuu Amaan Ka Keenay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Atirishada Super Star-da ah ee 80-maadkii iyo 90-maadkii Bollywood-ka u talin jirtay Sridevi ayaa amaan lixaad leh kala dul dhacday atooraha door walbo sameyn karo Nawazuddin Siddiqui.

Sridevi iyo Nawazuddin Siddiqui waxay isla soo wadaan filimka Mom oo la daawan doono 7-da bisha July 2017 waana filim xiiso badan.

Hadaba Sridevi ayaa la yaabtay sida Nawazuddin Siddiqui waji kasto isugu yeeli karo waxayna tiri “Runtii waa arin cajiib badan sida Nawazuddin Siddiqui u sameeyay doorkiisa filimka Mom, xushmad weyn ayaan u hayaa waana la dhacay sida uu shaqadiisa ugu hagar baxaayo”

WARAR DHEERAAD AH:

Nawazuddin Siddiqui ayaa filimka Mom door xumaan ah ku matalaayo sidoo kalena wuxuu nafta u keenaa Sridevi iyo gabadheeda oo filimkaan dhibaato iyo hagar daamo kala kulmayaan ragga kuwooda xumaanta jecel.

Sidoo kale filimka Mom waxaa door muhiim ah ku leh Akshaye Khanna oo ay Sridevi ku tilmaantay atoore awood badan oo shaashada marka uu soo hor istaago laga heybeesto.

Filimka Mom waxaa soo saare ka ah Sridevi seygeeda Boney Kapoor halka Ravi Udyawar uu Director ka yahay waxaana lagu daawan doonaa afar luqadood oo kala ah Hindi, Tamil, Telugu iyo Malyalam.

F.G: Sawirka Sare Ee Nawaz Waa Muuqaalka Uu Filimka Mom Ku Jilaayo……

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. qalbi holcay maseerlowga xaafada says:

    Boney kapoor sooma aha Arjun kapoor aabihiisa marka ma Sri Devi maa hooyo u ah

  2. Diyaab says:

    Maya bro sridevi eedo ayey u thy




Featured Video