Manisha Koirala Oo Dhameestirtay Duubista Doorkeeda Filimka Sanjay Dutt Noloshiisa Looga Hadlaayo

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Atirishadii 90-maadkii Bollywood-ka caan ka ahayd Manisha Koirala ayaa saaxada kusoo laabatay waxaana Jimcadii aan kasoo gudubnay tiyaatarada loo saaray filimkeeda Dear Maya.

Haatana waxaa si rasmi ah loo xaqiijisay in Manisha Koirala ay dhameestiran duubista doorkeeda filimka Sanjay Dutt noloshiisa looga hadlaayo.

Manisha Koirala ayaa filimkaan ku jileyso noloshii Nargis (Sanjay Dutt hooyadiis) taasi oo ka dhigan in Manisha filimkaan hooyo ugu mataleyso Ranbir Kapoor.

WARAR DHEERAAD AH:

Sanjay Dutt hooyadiis Nargis aad ayuu ugu dhawaa waxayna geeriyootay ka hor intii aan tiyaatarada la saarin filimkiisii kowaad Rocky ee soo baxay sanadii 1981.

Sidaa darteed Manisha Koirala  filimkaan Dutt noloshiisa looga hadlaayo waxay xiriir dhow oo qiiro ku dheehan la wadaagi doonaa Ranbir Kapoor oo ay hooyadiis ku jileyso filimkaan.

Director Rajkumar Hirani oo xaqiijinaayay dhameestirka Manisha doorkeeda wuxuu yiri “Waan dhameestirnay duubista doorka Manisha ee filimka Dutt noloshiisa ku leedahay, runtii waa qof cajiib badan bandhig ahaan”

Filimkaan aan magaca loo bixinin waxaa sidoo kale wax ka jilayaan  Sonam Kapoor, Anushka Sharma, Paresh Rawal, Karishma Tanna, Vicky Kaushal, Dia Mirza iyo Jim Sarbh waxaana la daawan doonaa 30-ka Maarso 2018.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video