Ranbir Kapoor Oo Lacag Weydiistay Dadka Reer Morocco Xili Uu Shaqo Ku Guda Jiray!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Ranbir Kapoor wuxuu ka mid yahay jilaayaasha ay xiligaan Bollywood-ka ku faanaan kuwaas oo door walbo sameyn karaan waana atoore heer sare gaaray.

Hadaba RK waxaa la sheegay inuu dadka reer Morocco ee wadooyinka socday lacag weydiistay xili uu hees ku jirto filimkiisa Jagga Jasoos duubayay.

Filim sameeye Anurag Basu iyo kooxdiisa Jagga Jasoos ayaa hees ku duubayeen wadooyinka dalka Morocco labo bilood ka hor waxayna dareemeen in heeska dad badan ay u baahnaayeen saxmad ahaayeen heli waayeen.

Sidaa darteed Anurag Basu ayaa soo jeediyay in bartamaha Rabat ee caasimada Morocco isaga iyo kooxdiisa gurbaano ku tamaan qaar kale ee kooxda filimkana wadada ku heesaan si dad badan goobta isugu imaadaan.

WARAR DHEERAAD AH:

Ranbir Kapoor fikrada ayuu soo dhaweeyay wuxuuna bilaabay sameynta talooyinka uu Anurag Basu soo jeediyay durba dad aad u fara badan ayaa wadada Rabat isugu soo baxeen markii Ranbir iyo kooxdiisa bilaabeen Dance-ga iyo gurbaan tumista.

Kadib Ranbir ayaa qaatay saxan wuxuuna dadka weydiistay inay lacag ugu ridaan!

Director Anurag Basu wuxuu yiri “Ranbir ma ahan shaqsi isla weyn si run ah ayuu dadka u dhex galay lacagna u weydiistay isla markiiba saxanka waxaa loogu riday 250 ilaa 300¬†Morocco Dirhams!

Director Anurag Basu dadkii faraha badnaa ee uu muuqaalka heeskiisa u baahnaa wuu helay sidaas ayaana heeskaan filimka Jagga Jasoos ku jirto lagu duubay.

Filimka Jagga Jasoos Ranbir Kapoor waxaa la jileyso Katrina Kaif waxaana la daawan doonaa filimkaan 14 July 2017 waana filim siweyn loo wada sugaayo.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video