Ranveer Singh Oo Xalay Daawaday Fiinaalihii Champions League Iyo Halyeeyada Kubada Cagta Sawiro Uu La Galay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Bollywood Actor Ranveer Singh siweyn ayuu u jecel yahay daawashada kubada cagta sidaa darteed atoorahan dhacdo kasto oo weyn in looga sheekeeyo ma rabo.

Ranveer Singh xagaagii hore wuxuu daawaday Fiinaalihii Euro 2016 ee magaalada Paris dalka France ka dhacay cayaar Portugal 1-0 koobka kaga qaadeen xulka France.

Sidoo kale Ranveer Singh todobaadkii hore wuxuu garoonka Wembley ee magaalada London ku daawaday Fiinaalihii FA Cup-ka kulankii Arsenal 2-1 koobka kaga qaaday kooxda Chelsea.

Livin it up with the inimitable @marceldesaillyofficial ! AH HA HA HA HA HA 😂❤🙌🏽 #UCLFanFest #UCLfinal

A post shared by Ranveer Singh (@ranveersingh) on

WARAR DHEERAAD AH:

Xalayna wuxuu Ranveer Singh daawaday kama dambeestii koobka horyaalada Yurub ee magaalada Cardiff dalka Wales ka dhacday cayaartii Real Madrid 4-1 ku xaaqday kooxda Juventus.

Hadaba Ranveer Singh wuxuu sawiro la galay qaar ka mid ah halyeeyada kubada cagta ugu caansan sida Luis Figo, Steven Gerard, Marcel Deseilly, Roberto Pires iyo kuwo kale.

Dabcan Ranveer Singh xalay si wacan ayuu u damaashaday madaama uu markale dhacdo kale oo Sports taariikhi ah goob joog u ahaa.

Weliba wuxuu xidigaan daawaday Real Madrid oo noqotay kooxdii ugu horeesay ee difaacato UEFA Champions League sida tartankaan loogu bixiyay laga soo bilaabo 1992 ilaa haatan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video