Sunny Deol Iyo Xaaskiisa Pooja Deol 33-Sano Ayay Isla Nool Yihiin Dunida Sawiro Kooban Ayay Ka Heysaa!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Bollywood Super Star Sunny Deol waa 59-jir fanka Hindiya maqaam sare ka gaaray sidoo kalena leh shacbiyad balaaran aadna loo jecel yahay.

Laakiin Sunny Deol waa shaqsi aad u xishood badan sidoo kalena aan jecleyn noloshiisa gaarka ah inuu saxaafada la wadaago iskaba dhaaf xiligaan dunida casriga ah ee Internet-ka sida joogtada ah baraha bulshada loo adeegsado.

Waxaa lala yaabay Sunny Deol iyo qoyskiisa inay yihiin kuwo aan sawiro laga qaadin ayagoo meel fagaaro ah joogaan ama xaflado gaar ah ka qayb galayaan xiyaa ayagoo socdaal safar ku jiraan sawiro lagama haayo.

WARAR DHEERAAD AH:

Dunida waxay Sunny Deol iyo xaaskiisa Pooja Deol ka heysaa hal sawir oo an sanadii 1984 xili ay magaalada London ku aqal galeen.

Sawirkaas waxaa ka qaaday wargeyskii VIDEOSTYLE waxaana xafladii aroos ee Sunny Deol iyo Pooja Deol ka qayb galeen maalintaas dad aad u kooban.

Sidoo kale sawir kale ayaa jiro oo isla 80-maadkii laga soo bandhigay Sunny iyo xaaskiisa Pooja Deol wixii markaas ka dambeeyay lamaanahan wax sawir ah oo rasmi ah lagama haayo!

 Hadaba Pooja Deol waxay Sunny u heysaa labo wiil Karan Deol iyo Rajvir Deol weliba Karan Deol hada wuxuu ku mashquulsan yahay duubista filimiisa cusub ee lagu soo caan bixinaayo.

Waa la yaab sidee Sunny Deol xaaskiisa kaga ilaaliyaa saxaafada ayadoo la og yahay xiligaan in meel walbo sawir qaade joogo!!!!

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan says:

    Waa qoys dhaqan leh. Hambalyo




Featured Video