Wiilka Musal Salada Sameeyo Karan Kundrra Oo Filimka Mubarakan Anil Kapoor Iyo Arjun Kapoor Kala Soo Muuqan Doono

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Marka laga reebo Sushant Singh Rajput inta badan atoorayaasha musal salada sameeyaan ama TV-yada kasoo muuqdaan Bollywood-ka wey ka socon waayeen.

Hadaba wiilka Musal salada sameeyo Karan Kundrra ee TV-yada laga jecel yahay ayaa soo laabtay wuxuuna door muhiim ah ku leeyahay filimka Mubarakan oo ay hogaamiyaal ka yihiin Anil Kapoor, Arjun Kapoor, Athiya Shetty iyo Ileana D’Cruz.

Filimka Mubarakan ee Anees Bazmee sameeyay waxaa la daawan doonaa 28 July 2017 waana filim shactiro, jaceyl iyo arimaha qoyska isku jiro ah.

WARAR DHEERAAD AH:

Hadaba Karan Kundrra ayaa la sheegay inuu filimkaan ku matalaayo wiil reer Punjab ah oo College dhigto sidoo kalena dadka siweyn kaga qosol siiyo.

Karan Kundrra sidoo kale wuxuu dhameestiray duubista filimka 1921 oo uu la jilaayo Zareen Khan waxaana Director ka ah Vikram Bhatt waana filim casbi ah.

Karan Kundrra wuxuu caan ku noqday marka kowaad musal salkii Kitani Mohabbat Hai oo ay Ekta Kapoor iska laheyd sidoo kalena waxaa la sameesay gabadha lagu magacaabo Kritika Kamra.

Karan Kundra filimkiisii kowaad ee Bollywood wuxuu ahaa Horror Story waxaana iska lahaa Vikram Bhatt markii uu filimkaan ka fashilmay wuxuu ku laabtay TV-yada asigoo bilaabay sameynta barnaamijyada TV-yada laga daawado iyo musal salada.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video