14-Atoore Oo Bollywood-ka Caan Ka Ah Kuwaas Oo Sameeyeen 100-Filim Oo Ay Door Dhameestiran Ku Leeyihiin Qaybta 2-aad

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Hordhac:

Kama hadleyno darajada ah in filim 100 Crore soo xareeyo taasi oo bilaabatay sanadii 2008 balse waxaan ka hadleynaa atoorayaasha caanka ah ee Bollywood-ka ka tirsan kuwaas oo u suura gashay inay sameeyaan 100-filim iyo ka badan.

Hadaba raggaan waa kuwo ku amaanan dadaalka lixaada leh oo ay sameeyeen madaama ay fanka Hindiya mudo dheer kusoo jireen sidoo kalena shaqo adag qabteen ayagoo nasanin si ay taageerayaashooda u mada daaliyaan.

Fadlan hoos kaga bogo qaybta labaad 14-atoore oo caan ka ah Bollywood-ka kuwaas oo sameeyeen 100 filim iyo ka badan oo ay door dhameestiran ku leeyihiin:

Vinod Khanna: Ruug cadaagaan oo dhawaan geeriyooday wuxuu ka sameeyay in ka badan 100-filim mudo dheerna fanka Hindiya saameyn xoogan ayuu ku lahaa.

Rajesh Khanna: sanadii 2012 ayuu geeriyooday Super Star-kii kowaad ee Bollywood-ka wuxuuna sameeyay aflaan 100 kabadan siweyna loo wada jeclaa dhamaantooda.

WARAR DHEERAAD AH:

Mithun Chakraborty: Super Star-kaan mudo dheer ayuu soo halgamaayay ku dhawaad 300-filim ayuu sameeyay welina Bollywood-ka wuu ka tirsan yahay.

Sanjay Dutt: atoorahan magaciisa caalamka ku baahay isagana 100-filim ka badan ayuu sameeyay welina aflaan kala duwan ayuu sameenayaa.

Shakti Kapoor: jilaagaan caanka ah in ka badan 600-filim ayuu sameeyay waana halyee Bollywood-ka ku faanaan welina shaqadiisa wato inkastoo dhawaanahan hawlihiisa filim jilista gaabiyay.

Amrish Puri: marnaba lama hilmaami karo shaqadii cusleyd ee uu Bollywood-ka ka qabtay laadarkaan geeriyooyad 12-sano ka hor wuxuu sameeyay ku dhawaad 250-filim.

Om Puri: bilawgii sanadkaan ayuu geeriyooday asigoo sameeyay in ka badan 100-filim sidoo kalena filimada door wacan ayuu ka qaadan jiray.

Dhamaad,

Hadii aadan aqrisanin maqaalkaan qaybtii hore fadlan RIIX HALKAAN

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Duqa xaafada says:

    Mithun aflaamtisa disco mahe inta kale flop iyo disaster wayan filaya wixii loo dhiibo wa iska samayn jiray




Featured Video