16-Jilaa Oo Magaca Khans Iyo Kapoors Wataan Balse Ku Guul Dareesteen Inay Bollywood-ka Saameyn Ku Yeeshaan (+Sawiro)

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Bollywood waa shirkad qofka magaca Khan ama Kapoor wato laga heebeesto sidaa darteed Khans iyo Kapoors waligood fanka Hindiya awood ayay ku heesteen.

Balse waxaan idiin heynaa 16-jilaa oo magaca Khans iyo Kapoors wataan laakiin Bollywood-ka ku guul dareesteen inay saameyn xoogan ku yeeshaan haatana waxay iska noqdeen kuwo aan awood laheyn ama loolanka ka hareen:

Zayed Khan: sanadii 2003 ayuu kusoo caan baxay filimkii Chura Liya Hai Tumne, kadib wuxuu sameeyay aflaan caan ah oo uu ka mid yahay Main Hoon Na iyo kuwo kale.

Filimkiisii ugu dambeeyay wuxuu ahaa Sharafat Gayi Tel Lene oo sanadii 2015 soo baxay kaasi oo bur buray ganacsi ahaan (Disaster).

Arbaaz Khan: waa atoore karti badan laakiin waligiis cagahiisa kuma istaagin inkastoo filimada qaar uu door wacan ku yeeshay sida Daraar iyo aflaan kale.

WARAR DHEERAAD AH:

Hadaba wuxuu isku badalay filim soo saare ama sameeye badanaa walaalkiis Salman Khan ayuu la shaqeeyaa ee kaligiis mashruuc dadka kama gadi karo.

Tusshar Kapoor: sanadii 2001 filimkii Hit-ka weyn noqday Mujhe Kuch Kehna Hai ayuu kusoo caan baxay kadib aflaan badan oo uu hogaamiye ka yahay ayaa Flop xariir ah ka noqdeen.

Waxay midaas dhaxal siiyeen inuu iska noqdo atoore caawiye ama aflaanta lagu badan yahay inuu doorkiisa ku yeesho ilaa hadana sidaas ayuu ku xariiftamaa ee ma ahan Kapoor kaligiis filim gadi karo ama Bollywood-ka awood ku leh.

Faisal Khan: wuxuu la dhashay Super Star Aamir Khan sidoo kalena sanadii 2000 filimkii Mela ayuu la sameeyay walaalkiis.

Laakiin Faisal waa socon waayay hadana maba ahan jilaa xisaabta ku jiro xitaa ma helo fursad uu filimada qaar door caawiye ah ku matalo iskaba dhaaf filim uu hogaamiye ka yahay in loo dhiibto!

La Soco Qaybta Labaad 16 Jilaa Oo Magaca Khans Iyo Kapoors Wataan Kuwaas Oo Bollywood-ka Ku Fashilmeen…….

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video