Abhay Deol Oo Koonfur Hindiya U Shaqo Doontay Wuxuu Sameyn Doonaa Filim Tamil Ah

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Atooraha Bollywood-ka ka tirsan Abhay Deol ayaa la xaqiijiyay inuu Koonfur Hindiya u shaqo tagay sidoo kalena uu sameyn doono filim Tamil ah (Kollywood).

Abhay Deol ayaa la sheegay inuu sameyn doono filim lagu magacaabo Idhu Vedalam Sollum Kathai waxaana filimkaan la jili doonto atirishada lagu magacaabo Aishwarya Rajesh.

Abhay Deol ayaa ka helay sheekada filimka Idhu Vedalam Sollum Kathai sidoo kalena wuxuu ka mid yahay maal galiyayaasha filimkaan.

WARAR DHEERAAD AH:

Sidoo kale Abhay Deol ayaa sheegay in la joogo xiligii Hindiya oo dhan shirkadaha ka dhisan isla shaqeyn lahaayeen mashruucii tayo wanaagsana lagu lug yeesho ayadoo aan loo fiirinin inuu yahay filim goboleed ama Bollywood.

Director Rathindran Prasad oo la hadlaayay wakaalada wararka IANS wuxuu yiri “Marhore ayaan duubista filimka Idhu Vedalam Sollum Kathai ka bilaawnay magaalada Hyderabad waana filim xiiso badan”

Abhay Deol ayaa la sheegay inuu filimkaan isaga codeyn doono oo Af Tamil ku hadli doono sidoo kalena door muhiim ah ayuu ku leeyahay waxaana la jilayaan Ashwin Kakumanu iyo Aishwarya Rajesh.

Abhay Deol doorkiisa waa mid sheeko ahaan filimka Idhu Vedalam Sollum Kathai kusoo gali doono waxaa la sheegay in jilaagaan miisaankiisa uu 10-kiilo ka dhimay sidoo kalena Abhay oo yara caato ah filimkaan lagu daawan doono.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video