Filimada Bishan June La Daawan Doono Iyo Rajada Laga Qabo (+Sawiro)

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Bishaan June 2017 waa bil muhiim u ah Bollywood-ka madaama ay ku jirto mid ka mid ah sedexda fasax ee ugu muhiimsan sanadkii dhanka Bollywood-ka ganacsigooda.

Bisha June waxaa kusoo beegmatay todobaadka feestada Ciidul Fitriga oo ku beegan todobaadka ugu dambeeyo bishaan sidaa darteed Bollywood-ka todobaadkaan ganacsi waali ah ayay rajeenayaan.

Bishaan June filimada la daawan doono sedex filim ayaa ugu hadal heyn badan rajana laga qabaa waxayna kala yihiin Tubelight, Raabta iyo Bank Chor.

9 June 2017 Filimada La Daawan Doono: Raabta & Behen Hogi Teri:

Filimka Raabta waxaa hogaamiyaal ka ah Sushant Singh Rajput iyo Kriti Sanon waa filim siweyn loo hadal haayo xayeysiin balaarana loo sameeyay waxaa lagu kalsoon yahay labadaan dhalinta yar in filimkooda ganacsi heer sare ah sameyn karo hadii sheekadiisa laga helo.

Image result for raabta movie sushant singh rajput

WARAR DHEERAAD AH:

Filimka Behen Hogi Teri waxaa hogaamiyaal ka ah Shruti Haasan iyo Rajkumar Rao ma ahan filim weyn sida Raabta oo kale oo lacago qaali ah lagu sameeyay xayeysiin balaarana loo sameeyay balse Boxoffice-ka lama sadaalin karo hadii sheekadiisa wanaagsanaato waxaa macquul ah inuu guul la yaab leh gaaro.

16 June 2017 Filimka La Daawan Doono Bank Chor: Waxaa hogaamiyaal ka ah Retiesh Deshmukh iyo Vivek Oberoi waa filim shactiro ah, sidoo kalena xayeysiin balaaran loo sameenayo, waa macquul inuu ganacsi dhex dhexaad ah sameeyo balse lama filaayo inuu guul weyn gaari doono.

Related image

23 June 2017 Filimka La Daawan Doono Tubelight: waxaa hogaamiye ka ah Mega Star Salman Khan waana filimka ugu weyn ee Bollywood-ka sanadkaan la imaadaan waxaana la daawan doonaa todobaadka Ciidul Fitriga.

Salman Khan oo Ciidul Fitriga filim la imaado Blockbuster ka yar ma noqdo waa midka sheekadiisa iska dhex dhexaad tahay, laakiin hadii Tubelight sheekadiisa noqoto sida Bajrangi Bhaijaan oo kale dadkana ka wada helaan cirka oo kaliya ayaa xadidi karo!

Image result for tubelight movie

Waxaana la wada sugaa in Tubelight iskooro waali ah sameyn doono Ciidul Fitrigaan sidoo kalena uu Bollywood-ka markale abaarta ku habsatay ka saari doono madaama Baahubali 2 oo Koonfur Hindiya iska leedahay Bollywood-ka aflaantooda dhulka wada galiyay sanadkaan.

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. ramos says:

    zakiriye sxb away filmkii sunny doel bajiyan superhit oo 23 jun la saari laha




Featured Video