Rasmi: Filimka Baahubali 2 Qaybtiisa Af Hindiga Lagu Daawanayo Lacagaha Uu Keenay Mudo 38-Maalmood

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Filimka Bahubali 2 – The Conclusion ayaa ganacsi wacan sameeyay sedexdiisa maalmood ee ugu horeyso todobaadkiisa 6-aad (Sixth Weekend).

WARAR DHEERAAD AH:

Sida shabakada Boxoffice India xaqiijisay Baahubali 2 qaybtiisa Af Hindiga lagu daawanayo wuxuu keenay 3 Crore sedexda maalmood ee ugu horeyso todobaadkiisa 6-aad.

Wuxuuna Baahubali 2 sedexdiisa maalmood ee ugu horeyso todobaadkiisa 6-aad ka lacag badiyay filimada PK, 3 Idiots, Bajrangi Bhaijaan iyo Dangal.

Baahubali 2 mudo 38-maalmood wuxuu soo xareeyay qaybta Af Hindiga lagu daawanayo 503 Crore (Trade Figure) qiyaasta xili hore sida Boxoffice India soo daabacday.

Sidoo kale Baahubali 2 mudo 38-maalmood ganaciga guud ee uu gudaha Hindiya ka sameeyay dhamaan 4-ta luqadood ee lagu daawanayo marka la isku daro wuxuu marayaa 1050 Crore lacagaha nadiifka ah.

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. Sah says:

    War xagee ka helna filimkan idinkoo mahadsan




Featured Video