Riteish Deshmukh Waa Maxay Doorka Uu Xiisaha U Qabo Inuu Mar Labaad Sameeyo

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Riteish Deshmukh waa atoore ay Bollywood-ka ku faanaan sidoo kalena lagu yaqaan inuu door walbo sameyn karo sidoo kalena dadaalkiisa marwalbo wacan yahay.

Hadaba Riteish Deshmukh ayaa ka dhawaajiyay inuu xiiso u qabo mar labaad sameynta door xumaan ama laadar ah madaama uu sanadii 2014 amaan lixaad leh ku helay doorkiisii laadarnimo ee filimka Ek Villain.

WARAR DHEERAAD AH:

Riteish Deshmukh waa xaasle waxaana u dhaxdo atirishada Genelia Deshmukh oo uu sanadii 2012 guursaday sidoo kalena wuxuu aabo u yahay labo wiil Riaan iyo Rahyl.

Ritesh wuxuu yiri “Marka aad aabo noqotid waxaad noqoneysaa qof dagan oo ka taxadiro doorarka aad sameyn kartid, sidaa darteed waxaan rabaa markale inaan sameeyo door laadarnimo”

Riteish Deshmukh mudo 14-sano ayuu fanka Hindiya ka tirsan wuxuuna sheegay inuu nasiib badan yahay hadii uu intaan Bollywood-ka ka tirsan yahay wuxuuna xidigaan doonayaa inuu dadaalkiisa sii laba laabo.

Dhinaca shaqada Riteish Deshmukh waxaa u diyaarsan filimka Bank Chor oo la daawan doono 16-ka bishan June waana filim shactiro ah oo ay isla jilayaan Vivek Oberoi.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video