Salman Khan Filimkiisa Tubelight Oo La Sheegay In Dalka Jarmalka Laga Daawan Doono

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Bollywood Mega Sstar Salman Khan filimkiisa xiga Tubelight  shaki kuma jiro inuu filimka loogu hadal heynta badan yahay xiligaan waxaana Director ka ah Kabir Khan oo u saaxiib ah sameynta aflaanta sheeko wanaagsan xambaarsan.

WARAR DHEERAAD AH:

Haatan waxaa la sheegay in filimka Tubelight laga daawan doono gudaha Jarmalka waxaana la sheegay in si hordhac ah gelinka dambe 22-ka June filimkaan tiyaatarada Jarmalka loo saari doono halka maalinta xigta si dhameestiran halkaas looga daawan doono.

Filimka Tubelight sidoo kale gudaha Hindiya waxaa laga daawan doonaa 23-ka June 2017 waxaana Salman Khan ku wehliyaan Sohail Khan, Zhu Zhu, Matin Rey Tangu iyo Om Puri.

Tubelight ayaa sheekadiisa lagu saleeyay xiligii dagaalka Hindiya iyo China dhex maray socday sanadii 1962 waxaana dagaalkan ka qayb qaadanayo oo lagu weynayaa Sohail Khan, halka Salman uu walaalkiis Sohail baadi goob u galaayo sidii uu u guriga ugu soo celin lahaa.

Fikradaha Akhristayaasha (4)

  1. Raaes says:

    Zhb hindiga wadanka jarmalka miyaa laga daawadaa sakaria isheeg Zhb

    • Zakarie Abdi says:

      Haa Hindi badan ayaa ku nool halkaas sidoo kalena waa laga daawadaa Jarmalka filimada Hindiga ah laakiin kuwa SRK ayaa u badan madaama halkaas shacbiyad balaaran ku leeyahay

  2. xuseen sidiiq says:

    film maaha waxaasi halkaasan ka arkaa madhaxnimadiisa

  3. Tornado says:

    Srk inuu Taageero farabadan ku leeyahay Jarmalka waa hubaa anaaba arkay lana yaabay xitaa Buugaagtooda waa lagu qoraa jilaagan wayna jecelyihiin zaaid waliba
    Mar aan library tagay waxaan ku arkay cajalada badan oo filimada srk ah




Featured Video