Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka La Wada Jecel Ajnabee Ee Sanadii 2001 Akshay Kumar Iyo Bobby Deol Wada Jileen

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Ajnabee wuxuu ka mid yahay filimada qayaanada, xarakada, is ku luleysiga iyo heesaha wacan leh oo ay Bollywood-ka sameeyeen.

Hadaba filimkaan aadka loo jecel yahay daawashadiisa soona baxay sanadii 2001 natiijo ahaan Boxoffice-ka wuxuu ka noqday Average mid guul dhex dhexaad ah gaaray.

Jilaayaasha filimkaan: Akshay Kumar, Bobby Deol, Kareena Kapoor, Bipasha Basu halka ay door caawiye ah ku leeyihiin Johnny Lever, Dalip Tahil, Narendra Bedi iyo Sharat Saxena

Director: Abbas-Mustan

Balse waxaan idiin heynaa xaqiiqooyin u gaar ah filimka Ajanabee oo aan wax badan laga ogey:

Xaqiiqada 1-aad: Dhamaadka ama uultimada filimkaan waxaa lagu duubay magaalooyinka Muscat, Dubai & Bahrain waxaan lagu dul duubay markab ay Hindi iska leeyihiin oo lagu magacaabo Ocean Majesty.

Xaqiiqada 2-aad: Shah Rukh Khan ayaa marka kowaad loo bandhigay sameynta doorka Akshay Kumar wuu iska diiday asigoo xiligaas diidanaa inuu door laadar ah sameeyo.

WARAR DHEERAAD AH:

Xaqiiqada 3-aad: Filimka Ajnabee marka hore waxaa lasoo bandhigay sanadii 2000 asigoo wato magaca Talaash balse gadaal ayaa magacaas laga badalay.

Xaqiiqada 4-aad: Fanaanka caanka ah Adnan Sami filimkiisii ugu horeeyay ee Bollywood ah ayuu Ajnabee ahaa wuxuuna ka qaatay heestii hirgashay ee ilaa haatan lagu luqeeyo Mehbooba Mehbooba.

Xaqiiqada 5-aad: Kareena Kapoor iyo Bobby Deol ayaa isku dhaceen inta ay filimkaan sameenayeen midaasna waxay sababtay in mudo 4-sano ah aysan wada shaqeynin waxayna markii dambe sanadii 2005 kasoo wada muuqdeen filimkii Dost inkastoo aysan lamaane ku matalin.

Xaqiiqada 6-aad: Ajnabee wuxuu noqday filimkii labaad oo uu Akshay Kumar u sameeyo labada Director Abbas Mastan mudo 9-sano ah kadib wuxuuan horey ugu sameeyay filimkii Hit-ka noqday Khiladi (1992).

Xaqiiqooda 7-aad: Ajnabee wuxuu ahaa filimkii ugu horeeyay ee Bipasha Basu sameyso waana filimka ay ku qaadatay abaal marinta atirishada ugu wanaagsan Bollywood-ka mida ku cusub ee shirkada Filmfare bixixo (Filmfare best actress Debut award).

Xaqiiqada 8-aad: Akshay Kumar wuxuu ku qaatay filimkaan abaal marinta laadarka ugu wanaagsan ee shirkada Filmfare Awards bixiso (Filmfare best villain Award).

Xaqiiqada 9-aad: Ajnabee waa filimkii ugu horeeyay ee lagu soo bandhigay mowduuca muranka badan ee ah in ragga xaasaskooda is dhaafsadaan oo dhaqanka Hindiya in lagu sheego xitaa gaf weyn ku ah!

Xaqiiqada 10-aad: Bipasha Basu filimkaan qof kale ayaa u codeeyay oo codkeeda kuma hadleyn madaama ay ku adkaatay inay wada sheekeysiga si toos ah uga qayb qaadato dhanka codeynta.

Xaqiiqada 11-aad: Kareena iyo Bipasha ayaa filimkaan inta ay duubistiisa socotay isku dhaceen waxaana dhex maray dagaalka bisada iyo jiirka madaama arimaha quruxda iyo soo jiidashada ay si qaab daran ugu xifaaltameen!

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. Ayan Mohammed Awil says:

    Haa bariga Kareena ayaa quruxbadanyd Lkn imika away hee Qurux Bipasha ayaa 10000 ka Qurux Badan Lkn Kareena Fikraad baan uu haya Hakuso qayb gasho fear files way Kuso baxaysa

  2. Fan of shraddha kapoor says:

    Kareena kapoor Plastic surgery ay wajigeeda ku sameysay ayay fool xumo kadhaxashay

  3. Suleeqa ahmrd says:

    Bipasha ay filmka hadal hayntiisa ka lAwareegtay kareena halkaas ayuu dagalka ka dhashay hadaad fiirsato siday bipasha ugu sheenaysay filmka waa arkee




Featured Video