5 Xaqiiqo Oo Kusaabsan Xidigaha Bollywoodka Iyo Aflaamtooda Wax Badan Ka Ogow!!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Waxaa Jiraan wax yaabo badan kuwaaso dhacaan inta lagu guda jiro duubista aflaamta ama markii la daawado kadib sido kale waxaa jiraan.

Waxyaabo u gaar ahaa ama iskooro u gaar ahaa xidigaha qaar sanado badan, sidaa awged inaa ogaato waa muhiim xaqiiqoyinka u gaarka ah Bollywoodka.

Hadaba halkaan kaga bogo 5 kamid ah xaqiiqoyin horey oga dhexdhacay Bollywoodka:

1. Ma Ogtahay Amitabh Bachchan Inuu Ahaa Atooraha Ugu Mushaarka Badan Ilaa 90kii:

Big Bachchan oo ah xidiga ugu awooda badan India oo dhan marka ladhaho magac ahaan iyo maqaam ahaan, darajadiisa xidigaan waa mid u gaar ah oo aan la gaari Karin.

Hadaba Big B wuxuu fanka awood ku qabsaday dhamaadkii 70kii wuxuuna noqday atooraha ugu mushaarka badan asigoo intuu doono sheeganayey markuu filim sameynaayey.

Ka hor inta uusan Big B magaciisa cirka galin waxaa awooda iska heystay Rajesh khanna oo aha xidiga ugu mushaarka badan balse Big B ayaa kala waregay iskoorkas ilaa 90kii laga soo gaarana asiga ayaa ahaa xidiga ugu musharka badan Bollywoodka.

2. Filimka Ra.One wuxuu ahaa xiligiisa filimka ugu qarashka badan ee ay Bollywoodka sameyaan:

Filimka Ra.One waxaa hogaamiyaal ka ah SRK, Kareena kapoor Khan iyo waliba Arjun Rampal, waxaana lagu qarash gareyay $ 27 Million.

WARAR DHEERAAD AH:

Waana filimka ugu qaalisana xiligaas oo ay Bollywoodka sameyaan.

3. Zindagi Na Milange Dobara India Meel Fiican Ayuu U Horseeday:

Filimkaan waxaa lagu duubay dalka Spain qeybihiisa ugu badan, qaasatan xeybo u dhow Barcelona.

Sidaa awged wixii filimkaan ka dambeyay Bollywoodka waxay isla arkeen goobahaas quruxda badan ee dadka indhahooda soo jiidan karaan waxayna bilaaweyn inee ku daydaan kooxda filimkaan ayagoo ku duubeen aflaam badan goobta filimkaan lagu duubay.

4. Dilwale Dulhaniya Le Jaayenge Heestee Ugu Horeysay Ee Filimkaan Laga Duubay:

Filimka weyn ee DDLJ kaaso ay hogaamiyaal ka yihiin SRK iyo Kajol halka filimkaan ay iska leeyihiin Reer Chopra Aditya Chopra iyo aabihiis Yash Chopra.

Waxaa lashegay in filimkaan heeska koowaad ee laga duubay uu ahaa heeska “ Meri Khwaboon Mein Jo Aaye.”

5. Aflaamta Hiniga Waa Caalami:

Ma Ogtahay in Filimada Hindiga laga daawado in kabadan 90 dal ee caalamka ah balse aan si joogto aheyn.

Waa waxyaabaha ay ku faanan India in filimadooda intaas oo dal laga daawado isku celcelis, dabcan waa la heli karaa 90 dal kabadan in laga daawado aflaamta Hindiga waayo hada wey sii laba kacleeyeen oo meelwalba ayaa aad looga jecelyahay sida Somalia.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video