Akshay Kumar Vs Ajay Devgn: Labadaan Super Star Sheeko Xaqiiqo Ah Sameynteeda Ayay Isku Heestaan

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Sanadkii hore Super Star Akshay Kumar wuxuu amaan lixaad leh ku helay sameynta filimada Airlift iyo Rustom kuwaas oo Super Hits noqdeen sidoo kalena atoorahan maqaamkiisa sare u qaadeen waxayna ahaayeen labo filim oo fariin waaqici ah xambaarsan.

Dhawaan waxaan idinla wadaagnay in Akshay Kumar uu rabo sameynta sheeko xaqiiqo ah oo ku saabsan JS Gill ninkii bad baadiyay 64-shaqaalo badan oo macdanta iyo dhuxusha ka shaqeeyaan kuwaas oo dhamaadkii 80-maadkii dhulka hoostiisa ku xanibmeen (Raniganj Coalfield rescue mission story) wuxuuna hawl galkaan ku sameeyay 6-saacadood oo xariir ah

Balse haatan shabakada Bollywood Hungama waxay heshay xog ku aadan in Akshay Kumar looga hormaray sameynta filimkaan waxaana la sheegay in xuquuqda filimkaan uu iibsaday dhigiisa Super Star Ajay Devgn.

WARAR DHEERAAD AH:

Akshay Kumar ayaa waday hanaan uu xuquuqda sameynta sheekadaan kula wareegayo balse wuxuu ogaaday in Ajay Devgn ka hor iibsaday sheekadan in filim laga dhigo xuquuq ahaan.

Ma ahan markii ugu horeesay ee Akshay iyo Ajay ku dagaalamaan sameynta hal sheeko waayo labadaan atoore waxay soo wadaan sameynta hal sheeko oo ka hadleyso dagaalkii weynaa Battle of Saragarhi ee qarnigii 18-aad ka dhacay Waqooyiga Hindiya.

Ajay Devgn wuxuu ula baxay filimkaan Son or Sardars waana mashruuc ka hadlaayo Battle of Saragarhi waxaana isla fariintaan inay sameenayaan shaaca ka qaadeen Karan Johar iyo Salman Khan oo maal galinayaan isla mashruucaan sheeko ku saabsan halka Akshay Kumar hogaamiye looga dhigay.

Waxaan sugnaa waa Akshay iyo Ajay sheekooyinka waaqiciga ah ay isku heestaan sameyntooda halka ay ku dambeyn doonto……

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video